Si looga taxadarro faafida Caabuqa COVID-19 loona ilaaliyo dab-qabka iyo Caafimaadka goobaha Shaqada, waxaa la farayaa Madaxda Hay’adaha Dowladda Arrimahan soo socda;
1- U hoggaansanka farriimaha iyo tallooyinka ay bixinayaan saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka.
2- Dhowridda kala fogaanshaha ilaa 2 mitir, goobaha shaqadana leeyihiin meelo dhowr ah oo laga galo iyo kuwa laga baxo oo kala duwan, iyo qolalka waqtiga nasashada qaabkooda oo la waafajinayo hannaanka ka hortagga fayruska.
3- Nadaafadda oo xoogga la saaro, iyadoo si gaar ah loo nadiifinayo musqulaha iyo waxyaabaha inta badan la taabto sida albaabada iyo khaannadaha.
4- In Shaqaalaha lagu dhiirrigeliyo u soo lugeynta shaqada intii macquul ah, isla markaana iney ka taxadaraan gaadiid raacidda waqtiyada saxmadda darran jirto.
- Shaqaalaha da’da ah (ka wayn 60 sanno) iyo kuwa xaaladda caafimaad darran qaba iney xilligan guryahooda ku gutaan waajibaadkooda shaqo.
- Waa in loo dejiyaa shaqaalaha jadwal ku dhisan xilligaan Covid-19 oo qayb qayb maalmo dhaaf u shaqo gelayaan ama loo kala qeybiyaa kuwa shaqeeya Sabti ilaa Isniin, Talaado ilaa Khamiis.