Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono Baraha bulshada ay ku xiriirto ee dalka Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono Baraha bulshada ay ku xiriirto ee dalka Turkiga
Wararka

Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono Baraha bulshada ay ku xiriirto ee dalka Turkiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 2, 2020
2 Min Read
Share
Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay xilli ay shaaciyeen dhalashada wiilkooda affaraad.

Hadalkan ayuu Erdogan uu ka sheegay shir Arbacadii u qabsoomay xisbigiisa, waxana uu ku goodiyay in sharci laga soo saari doono kuwa baraha bulshada u adeegsada si ka baxsan akhlaaqda wanaagsan.

“Waa in aad fahamtaan sababta aan uga soo hor jeedno baraha bulshada sida; YouTube, Twitter iyo Netflix? waxa ay tirtireyaan dhaqanka suuban” ayuu Erdogan u sheegay xubnaha xisbigiia Cadaaladda iyo Horumarka ee AKP.

Xukuumaddiisa ayaa doonaysa in ay soo saarto sharciga lagu xakameynayo isticmaalka aan asluubeysaneyn ee baraha bulshada.

Waxaana arrintan loola dan leeyahay in kuwa sharciga jabiya la saaro ganaax lacageed isla markaana maxkamadda lala tiigsan karo.

Wasiirka maaliyadda Turkiga Berat Albayrak, oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa tallaadadii barta Twitter ku shaaciyay dhalashada wiilka affaraad, kaas oo loo bixiyay Xamza Salix.

Ka dib waxaa xigay in fariimo baraha bulshada la isku weydaarsaday kuwaas oo lagu sheegayo in uusan wasiirku dhalin wiilka  ayagoo gabadha Erdogan ku tuhmay golal dhaaf.

Madaxweyne Erdogan ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo kuwa weerarka ku qaaday qoyskiisa.

“Waxaan baacsan doonaa kuwa fulayada ah ee weeraraya qoys qiimo leh,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa shirakadaha caalamiga ah ee baraha bulshada iska leh ku eedeeyay in ay ku xadgudbaan shuruucda dalkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in ay ka dambeeyay xadgudkan la soo qabtay, qaar kamid ah Turkida ayaa qabtay banaan baxyo lagu dhaleeceynayo kuwa weeraray qoyska madaxweynaha, waxaana kamid ah mucaaradka dowladda.

Xukuumadda Ankara ayaa badanaa waxaa ay xirtaa siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo qaarkood si weyn u dhaliileen qaabkii uu u maareeyay safmarka COVID-19.

Waxaa ay beegsadaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta, aqoonyahnada iyo qareenada fekirkooda ku soo bandhiga baraha bulshada.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliyeed oo Nus malyuun lacag ah ku taageeraysa dhibanayaasha weerarki Liido

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta ee XFS Daud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo…

GudahaWararka
August 7, 2024

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo…

GudahaWararka
July 5, 2025

Wakiilada Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya oo booqday Jaamacadda Umadda

Wafdi ka socday Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalmahaan qayb ka ahaa Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah…

Gudaha
December 20, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si…

Wararka
February 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023