Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira deegaanadaasi iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xal loo helo habsami u socodka adeegyada waxbarasho ee loo fidiyo dadka,gaar ahaan ardayda halkasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dugsiyada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira cudurka COVID-19.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur Galbeed waxa uu xusay in deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Xudur ay aad u liidato heerka wax barasho ,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la tayeeyo adeegyada dhanka waxbarashada ah.