Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur Galbeed Mudane Cabdi casiis Xasan Maxamed lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan magaaladda xuddur ee caasimada gobolka Bakool ayaa maanta booqday askar u dhaawacmay difaaca dalkooda ee ku jirta isbitaalka degmadaasi, waxaana madaxweynaha uu dhaawacyada gaarsiiyey deeq lacageed.
Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale ku boggaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka, islamarkaana haatan ay ciidamada xoogga dalka ay ku socoto dib u habeyn xooggan, haddii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro.
“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonnaa xuquuqaha ay leeyihiin inaggoo uga mahad celineyno sida ay u gutaan waajibaadka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen)
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xarun cusub oo laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin ku yaala degamadaasi.
Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda horumarineed oo laga wado degmada Xudur.