Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kaalintii Soomaaliya ku lahayd dunida ay dib usoo laabaneyso.
Wasiirka oo wareysi siinaayay TV-ga Al-carabi ayaa intaas ku daray in Soomaaliya oo xubin ka ah dhowr hay’adood oo caalami ah, kana qeybgasho shirarka caalamiga iyo hawlaha ururadaas, saameyn ballaarana ay ku leedahay shirarka caalamiga ah.
Mudane Cawad ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka dowladaa dersika la ah Soomaaliya uu aad u fiican yahay kana dhaxeeyo iskaashi dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga ah.
Mar la waydiiyay heerka uu la egyahy xiriirka kala dhaxeeya dowladaha Qatar iyo Turkiga ayuu ku jawaabay.
โ Xiriirka nagala dhaxeeya dowladda Turkiga waa mid istiraatiiji ah oo aad u wayn,waxayna naga taageerta dhincya badan sida dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, sdioo kale xirirrika dowladda Qatar aan la leenahay waa mid sii ballaaranaya siina koraaya”.
Wasiir Cawad wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ku dhisan tahay dhex-dhexaadnimo iyo in xirirr wanaagsan ay Soomaaliya la yeealato dowladdaha caalamka oo idil.