Muqdisho:(SONNA)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Howl-galkaan waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ay geysay magaaladaasi.
Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga magalada.
Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa magalada Gaalkacyo
Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay guri ku yaalo koonfurta Gaalkacyo.