Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
    July 1, 2025
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo Soo-dhaweyn u Sameysay Wasiiru-dawlahii Cusbaa ee  Loo Soo Magacaabay Wasaaraddaas
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo Soo-dhaweyn u Sameysay Wasiiru-dawlahii Cusbaa ee  Loo Soo Magacaabay Wasaaraddaas
Wararka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo Soo-dhaweyn u Sameysay Wasiiru-dawlahii Cusbaa ee  Loo Soo Magacaabay Wasaaraddaas

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 8, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho:(SONNA)-Kulan lagu soo-dhaweynaayey Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo dhawaan uu xilkaas uu u soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Kulankan, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaraddaasi Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xaamud Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Marti-sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisu uu yahay soo-dhaweyn ay Wasaaraddu ugu tallo-gashay Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda oo dhawaan loo soo magacaabay xilka Wasaaraddaasi si uu u qabsado hawlahiisa shaqo ee Wasaaradda, waxaana uu xusay in Wasiiru-dawlahii hore ee xilkan hayey uu kulanka uga maqnaa safar uu wakhti hore ku tagay wadanka Ingiriiska isla-mar-ahaantanaa ay imaatinkiisa xanibeen diyaaradihii loo xidhay COVID-19 awgeed.

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xaamud Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Mudane Cabdulqaadir  Shariif Sheekhuna Maye uu maanta ku soo biiro Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu sheegay inay ka mid tahay Wasaaradaha ugu balaadhan dalka isla-mar-ahaantaana qeybta ugu weyn ka qaata kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu Madaxda Wasaaradda ku ammaanay dedaalada ay wadaan ee ay ku horumarinayaan Ganacsiga Soomaaliya.

Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo dhankiisa halkaas kaga mahad-celiyey kulanka soo dhaweynta ah ee loo sameeyey, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qabto xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana uu sheegay in marka hore ba Wasaaraddani ay ahayd Wasaaraddaha ugu wax-qabadka badan ee wakhtiyadii uu ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-galbeeda Soomaaliya ay la socon jireen war-bixinahooda.

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, wuxu halkaas ka caddeeyey inuu door muhiim ah ka qaadan doono shaqooyinka socda ee lagu horumarinaayo Ganacsiga Soomaaliya iyo weli ba sidoo kale inay wanaagsan ay wada-shaqeyn buuxda u yeelan doonaan Madaxda iyo Shaqaalah kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS In. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu  marka hore Wasaaradda ku soo dhaweynaayo Wasiiru-dawlaha cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, waxaana uu halkaas war-bixin uu kaga siiyey shaqooyinka ay Wasaaraddu gacanta ku hayso, waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu horreeyaan dhinacyada shuruucda,  siyaasadaha iyo dedaalada lagu horumarinaayo ganacsiga, maal-gashiga iyo warshadeynta Soomaaliya.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo hadalka ku dheeraaday, wuxu sidoo kale sheegay in Wasaaraddu qabatay shaqooyin badan isla-mar-ahaantaana ay Wasiiru-dawlaha cusub ka rajeynayaan inuu dhiig cusub ku shubo dedaalada socda ee Wasaaraddu wado, waxaana uu carabka ku dhuftay in madaxda iyo shaqaalaha kale ee Wasaaraddu ba ay diyaar u yihin inay si buuxda u la shaqeeyaan.

Wasiirka Ganacsigu, wuxu ugu dambeyn,  uu halkaas ka boggaadiyey Wasiiru-dawlahii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dr. Daahir Cabdi Cabdullaahi( Dr. Goo) oo uu sheegay in uu muddadii uu xilkaas hayey uu si wanaagsan u la soo shaqeeyey Wasaaradda isla-mar-ahaantaana uu mudan yahay amaan iyo boggaadinba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Aljeris (SONNA): Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego)…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka oo booqday Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta booqatay isbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir…

GudahaWararka
July 12, 2021

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kiiska haweeney dil ku eedaysan

Muqdisho (SONNA): Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa cadeeyey inuu gacanta ku hayo haweeney ku eedeysan dil iyo dacwad…

Wararka
May 16, 2023

Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii khawaarijta ee Liido”.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) oo kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay…

GudahaWararka
August 11, 2024

Macallinka Kooxda Dekedda ee Yuu Cali oo ka hadlay guushii ay ka gareen Rajo FC & Rajadooda hanashada horyaalka.

Muqdisho(SONNA)- Naadiga Dekedda ayaa guul muhiim ka gaartay naadiga Rajo FC kaddib markii ay 2-0 ugu adkaatay, ciyaar qeyb ka…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023