Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya
Wararka

Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniintii ugu horeysay ka keentay Dalka Hindiya

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 7, 2020
4 Min Read
Share
Muqdisho:(SONNA)-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku soo dhoweeyay  gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho 128 muwaadin oo laga soo daadgureeyay dalka India kadib markii ay ku xayirnaayeen muddo ku dhowaad labo bilood sababo ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Koroona feyrus (COVID-19).
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo daadgureysatay intii u dhexeysay 25 April illaa iyo maanta oo ah 6 June 1,374 muwaadin oo ku xayirnaa todobo dal oo qaaradaha Afrika iyo Eeshiya ku kala yaalla , taasi oo ay ugu wacnayd inta badan garoomada caalamiga oo la xiray si loo xakameeyo faafidda Koroona feyrus.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku guuleysatay in muwaadiniintaasi ka soo daadgureyso wadamadii ay ku xayirnaayeen ee kala ah Turkiga, Kenya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Uganda, Pakistan iyo India kadib iskaashi ay kala samaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkadaha duulimaadka sida gaarka ah ay u leeyihiin Soomaalida si dadkaasi loogu gudbiyo halka ay ka deganyihiin dalka oo ah Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

 

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga ee uu madaxda ka yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed, ayaa ku soo daadguraysay 61 muwaadin hal duulimaad 25 April oo ka soo ambabaxday Magaalada Istanbul.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Kenya ee uu madaxda ka yahay Danjire Maxamuud Axmed Nuur, ayaa ku soo daadguraysay 268 muwaadin seddex duulimaad oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi (21 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 114), (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 111) iyo (28 May, tirada dadka la soo daadgureeyay waa 43).

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan ee ay madaxda ka tahay Danjire Khadiija Maxamed Almakhzuumi, ayaa ku soo daadgureysay 116 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Islamabad 24 May.

 

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda India ee ay madaxda ka tahay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ku soo daadgureysay 128 muwaadin hal duulimaad oo ka soo kicitintay Magaalada Xeydarabaad 6 June.

 

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Uganda ee uu madaxda ka yahay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) , ayaa ku soo daadgureysay 84 muwaadin hal duulimaad oo ka soo ambabaxday Magaalada Kampala 1 June .

 

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jeddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee uu madaxda ka yahay Qunsulka guud Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa fududeeyay howsha tarxiilka 581 muwaadin oo lagu qaaday shan duulimaad oo ay kiradeeda bixisay Dowladda Sacuudiga, waxaana tiradaasi sii dheer 50 muwaadin oo la soo daadgureeyay (29 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 132), (30 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 125), (31 May, tirada dadka la soo tarxiilay waa 126), (1 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 123) iyo (2 June, tirada dadka la soo tarxiilay waa 75 waxaa dheeraad ku ah 50 qof oo la soo daadgureeyay).

 

Qunsuliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dubai, Isutagga Imaaraatka Carabta ee uu madaxda ka yahay Qunsul guud Muddane Cumar Cabdulcasiis Nuur, ayaa ku soo daadgureysay hal duulimaad 86 muwaadin oo ka soo safray Magaalada Dubai 18 May.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kenya:Qeylo dhaan xooggan oo laga muujiyay abaaraha ku dhuftay Wajeer

Biyo la’aan  baahsan oo ay dhaliyeen abaaro dabadheeraadaya oo ka jira Gobolka Wajeer ee Woqooyiga dalka Kenya ayaa sababay waxyeello…

Gudaha
January 7, 2023

Ciidamada ATMIS oo dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Baladul-Aamiin(SONNA):-Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan Magaalada Baladul-Amiin ayaa dilay qaar kamid ah kooxaha khawaarijta oo doonaayey…

Gudaha
July 8, 2023

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo kormeeray goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada JFS ee ka dhacayso Jowhar.

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada…

GudahaWararka
January 25, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA 

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta…

GudahaWararka
June 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023