Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka
    July 24, 2025
    Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxeexday
    July 24, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan
    July 24, 2025
    Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda
    July 24, 2025
    Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha
    July 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Aqriso nuxurka hadal jeedinti madaxweeynaha Jamuuriyadda Fadarelka Soomaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Aqriso nuxurka hadal jeedinti madaxweeynaha Jamuuriyadda Fadarelka Soomaliya
Wararka

Aqriso nuxurka hadal jeedinti madaxweeynaha Jamuuriyadda Fadarelka Soomaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 6, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaanay Guddoonka iyo Xubnaha Baarlamaanka ee Labada Aqal wada shaqaynta wanaagsan ee ay muujiyeen sanadihii la soo dhaafay, taas oo horseedday in laga miro dhaliyo dadaallada dowlad dhiska iyo dib u soo celinta himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka ayaa ka rajeeyey in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan qabsoomidda doorasho hufan oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.

“Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay qabashada doorasho ku qabsoonta xilligii loo asteeyay oo fursad u siinaysa shacabak Soomaaliyeed in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

“Maanta waxaan labada aqal ujeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qaddarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay, fadlan, igu raaca in aqalka sare ay caasimada Muqdisho ku yeelato matalaadda ay mudantahay, ayna muraayad ugu wada noqoto dhamaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay gutaan masuuliyadda wadaniyeed ee ka saran goโ€™aaminta masiirka dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo xeyndaabka dowladnimada iyo Dastuurka dalka.

โ€œDadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, oo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wadahadalladii, wax kasta oo jirana ku dhammeyno walaalnimo, wadahadal iyo is af-garad.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Puntland oo abaabul shacab iyo hawlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wadda gobolka bari

Boosaaso-(SONNA)-Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee deegaanada Puntland ayaa hawlgallo culus ka sameeyay deegaanka Xamurre ee gobolka Bari. Howlgalkan oo ahaa…

GudahaWararka
January 7, 2025

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo…

GudahaWararka
July 22, 2025

Dadka danyarta ah oo helay 3-kun oo neef oo ay bixiyeen Sacuudi Carabiya

Heyโ€™adda samafalka ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa xoolo gaaraya 3,000 oo neef oo mucaawino ah u qeybisay dadka Soomaaliyeed ee…

Gudaha
June 30, 2023

70 jir ka Qalin jabiyay Jaamacaddii uu wardiyaha ka ahaa( Warbixin)

Guriceel(SONNA):-Suldaan Maxamed Sheekh Faarax wuxuu sannado ka dib, dhammeeyay Jaamacadda Safaana ee degmada Guriceel, wuxuuna ka baxay kuliyadda shareeca Wal-qaanuun.…

GudahaMaqaalladaWararka
October 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023