Galkacyo (SONNA) Wasiirka Amniga Gudaha eee Dowlad Goboleedka Galmudug Ahmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulku uu mamnuucay ka ganacsiga yo isticmaalka waxyaabaha dooriya ama baddala maskaxda ee loo yaqaanno khamrada iyo xashiishka.
“Dawlad goboleedka Galmudug waxa uu si adag ula dirirayaa maandooriyaha iyo kuwa isticmaala ,arintaasina waa mid lagu ilaalinaayo caafimaadka Bulshada iyo nabadgalyada ayuu yiri” wasiirka oo xilligaasi ka hadlaayey kormeer ay ku sameyeen baraha oontarool ee ay ka wareejiyeen maleesho beeleedyada.
Dadaaladaan ay wadaan dowlad goboleedkaGalmudug ayaa qayb ka ah qorshahayaasha lagu sugayo amniga galmudug waxaan lagu guuleystay in maleeshiyaadka laga saaro baraha kaantarool ee magaalada Gaalkacyo.