Muqdisho.(SONNA)…Guddiga Joogtada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kulan la xiriiray sii ambaqaadidda howlaha shaqo ee horyaalla 2-da Aqal ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulankaasi oo u dhacay si habsami leh, waxaa la isku raacay in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka uu bilowdo 6-da bisha soo socota ee June.
Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ay 27-ka bisha June hor timdo baarlamaanka, si warbixin ku saabsan halka ay marayaan dhameystirka doorashooyinka looga dhageysto.