Muqdisho (SONNA)-Shirkaan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa looga hadlay qorshaha istaraatiijiyadda ay ku shqaaqeyn doonan shanta sano ee soo socoto Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed iyo Ururrada Haweenka ee dowladda goboleedyada Dalka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladda Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Ururrada Haweenka dowladda goboleedyada iyo xubno ka tiran Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed .
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in haweenku ay isku raaceen xoojinta iyo wada shaqeyta dhexdooda ah iyo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen horumarka dalka.
Dajinta qorshaha Istaraatiijiyadda shaqo ee shanta sano ee soocoto ay ku shaqeyn doonan Ururka Haweenka Qaranka iyo Ururrada Haweenka dowlada goboleedyada ayaa muhiim u ah wada shaqynta ka dhaxayso iyo howlaha adag ee horyaala Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed.