Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka ayaa booqday xaafadaha Ceel-Qalow , Xalane ee degmada Wadajir oo roobkii Gu’a ee da’ay ay sababeen dhimashada 6-ruux oo iyo bur bur guryo ku yaalla xaafadahaasi.
Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ayaa si gaar ah ula kulmay qoysaskii ay wax yeelada ka soo gaareen roobkii da’ay waxa ayna kaga tacsiyadeeyeen dhibaatooyinka ka soo gaaray waxaana u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay.
Sidoo kale Guddoomiye Cumar (Filish) ayaa lacag ah ku wareejiyay qoysaskii ay wax yeeladu soo gaareen daadadkii dhashay roobabkii da’ay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar iyo ku xigeenadiisa goobaha ay tageen Waxaa ka mid ah waraha biyaha ee Degmada Boondheere ,Warta Siigaale ,isgooska fagax oo biyo buux dhaafiyeen iyo goobo kale oo ay biyaha fariisteen waxaana ay faleen waaxda nadaafada ee Dowladda Hoose inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-gasho.