Muqdisho:(SONNA)- Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, ayaa ku laabatay magaalada Roma, kadib markii laga sii daysay Maleeshiyada Al-Shabaab oo in ka badan sanad iyo bar afduub ugu haysatay Soomaaliya.
Silvia, oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kasoo qafaalatay deegaanka Chakama ee County-ga Kalifi ee dalka Kenya bishii November ee 2018-kii, ayaa lagu sii daayey howl-gal habeenkii Jimcaha ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho, kaasi oo ay si wajir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya, talyaaniga iyo Turkiga.
Raโiisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Silvia kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ciampino ee magaalada Roma, halkaasi oo ay cago dhigatay diyaaraddii ka qaaday magaalada muqdisho.
Waxaa la arkayey ayada oo aad u faraxsan oo dhoola-cadeeneysa islamarkaana hab siineysa hooyadeed iyo walaasheed.
Silvia ayaa waxa ay xirneyd dhar Asturan ilaa ay waalikeed ka raacdo , ayada oo sidoo kalena sidatay maaskaro iyo gacmo gashi looga hortago cudurka Coronavirus.