Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Ciidanka Booliska oo toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ciidanka Booliska oo toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile
Wararka

Ciidanka Booliska oo toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 7, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle  Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi.

Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib  ula wareegaan saldhiggaasi.

“Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen.

“Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda .

“Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran.

Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka .

Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo  ka dhan ah bani’aaddanimada.

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo shir ku martiqaaday madaxda D/goboleedyada & G/Banaadir

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir…

Wararka
June 25, 2020

SSC Khaatumo oo dowladda FS ku wareejisay maxaabiis la cafiyey

Muqdisho (SONNA): Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah Maxaabiista u xirnaa colaadihii…

GudahaWararka
April 15, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga 

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga…

Wararka
July 13, 2023

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Macallinka oo ku began 21-ka November. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud…

Gudaha
November 22, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023