Muqdisho:(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 oo looga hadlay ballaarinta adeegga sheybaarka Coronavirus, maadaama ay kordheen kiisaska cudurka COVID-19, ee Soomaaliya.
Shirka waxaa diirada lagu saaray heerka diyaarinta isbitaalka Martiin-2 oo geba-gebo maraya si loo helo adeeg caafimaad oo taya leh oo isku jira isbitaalo qalab iyo dawo.
dhanka kale guddiga ayaa ka hadlay sidIi magalada Beledwayne loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya dhulka jilicsan ee laga cabsi qabo in uu wabiga ka fataho.
Shirka Guddiga qaran ee ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa habeen walba u dhaca si caadi ah iyadoo la isticmaalayo Mareegta dhinaca internetka.