Baladaweyne-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda Gobalka Hiiraan , Abuukar Cabdullaahi Maaddeey ayaa sheegay in Maalintii labaad ay ka wadaan Baladweyne olole lagu Carra tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu Webiga fatahaad ka sameeyo
Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheeegy in ka maamul ahaan ay ka go.antahay sidii ay xal waara ugu gaari lahaayeen fatahaadaha kusoo laalaabta Gobalka, gaar ahaan Magaalada Baladweyne oo Sanad walba ay waxyeellooyin baโan kasoo gaadho fatahaadda Webiga Shabeelle.
Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa ballan qaaday in ay la iman doonaan qorshayaal dhab ah oo wax wanaagsan looga qabanayo fatahaadaha soo laalaabtay.
Guddoomiye Maaddeey ayaa Shacabka Balaldweyne ugu baaqay in ay maamulka la shaqeyaan maaddaama ay xog badan ka hayaan meelaha uu Bebigu ka soo jabsado Biyaha xilliyadan oo kale, wuxuna ka codsaday in ay Guddiga arrimahan u xilsaaran ku Garab istagaan howlaha loo igmaday.