Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
    July 23, 2025
    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚qada XFS 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 m𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 lagu horumarinayo q𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬 d𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡
    July 23, 2025
    Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah
    July 23, 2025
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !
MaqaalladaWararka

Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 28, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Muwaadin kasta waxaa saaran waajib ah inuu ilaaliyo hantida guud ee lawada leeyahay sida uu u ilaaiyo hantidiisa gaarka ah oo kale.

Goobaha waxbarashada guud, garoomada ciyaaraha, waddooyinka, jardiimooyinka, goobaha taariikhiga ah iyo wixii la mid ah waxay ka dhaxeeyaan dadka, waana hantida dadka maanta nool iyo dhaxalka jiilka soo socda sidaa darteed ma jiro qof kharribi kara ama wax u dhimi kara.

Muddadii aan dowlad la’aanta ku jirnay wax badan ayaan waynay, waxaana hoos u dhacay hankii qofka Soomaaliga ah. Waxaa is bedelay qaarka mid ah ujeedooyinkii waawaynaa ee aan ku mideysnaan jirnay sidoo kalena waxaa hoos u dhac ku yimid wacyiga bulshada ay ka haystaan dowladnimada.

Hoos u dhacaas dhanka wacyiga ah wuxuu keenay in dadka qaar kala garan waayaan dhibta iyo dheefta ama kala saari waayaan wixii dan ugu jirto ama shar uga imaan karto.

Dalkeena hadda wuxuuu marayaa xaalad dib u dhis ah, waxaan kasoo kabanaynaa dhibaatooyin badan oo na soo gaaray sidaa darteed waxaa lagama maarmaaan ah in bulshada gaar ahaan dhallinyarada aan nasiib u yeelan inay dowlad ku soo koraan la baro waxa loo yaqaano hantida guud iyo micnaha dowladnimada oo sax ah.

Barasho kasta waxay ka billaabata guriga ee waalidiinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waana inay carruurtooda ku barbaariyaan si fiicanna qalbigooda ugu beeraan jacaylka dalkooda iyo sida looga shaqeeyo danta guud si beri ay u soo baxaan jiil  garanaaya waxa ay wada leeyihiin iyo sida loo ilaashado.

Goobaha waxbarashada sida school-da iyo jaamcadaha waa meelaha lagu koriyo maskaxda ardayda lagana soo saaro hoggaamiyaasha dalalka iyo jiil wax ku soo kordhin kara adduunka, iyada oo kaalintaas ahmiyadda leh awgeed la eegaayo waxaa saaran macallimiinta iyo maamulka  gobaha wax barashada inay cilmiga ay dhigayaan ku salleeyaan xaaladda aan ku jirno, dadaal dheerna geliyaan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga guud ee dhallinyarada.

Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in dowladdu xoog badan geliso sidii dhallinyarada aan nasiib u yeelan maamul wanaag iyo dowlad dhisan loo bari lahaa ahmiyadda dowladnimo, laba jibbaarna lagu sameeyo wacyi gelinta guud iyo barnaamijyo ka qayb qaata sidii dhallinyaradu u heli lehayd fahan fiican oo dhanka dowladnimada la xiriira.

Qofku markuu yaqaano waajibaadka saaraan iyo xuquuqda uu leeyahay waxaa yaraaneysa inuu sameeyo fowdo ama ka qayb qaato kharribaad wax u dhimi karta hannaanka dowladnimo.

Haddii ay dhacdo in khalad laguugu sameeyo ama xuquuq aad lahayd laga weeciyo waxaa kuu furan inaad marto waddooyin loo sameeyay in lagu xalliyo wixii khaldan laakin haddii aad khaladkii lagaa galay khalad kale kusii saxdo waxaa si badanaya dhibaatada, waxaana ka faa’iideysanaaya kuwa jecel fowdada.

Tusaalaha ahaan dadku xaq ayay u leeyihiin inay sameeyaan mudaaharaad ay ku dalbanayaan xuquuqdooda ama ku diidayaan dulmi lagu sameeyay, laakin xaq uma lahan inay ku xad gudbaan hantida guud ama hantida gaar loo leeyahy.

Caalamka oo dhan waa laga sameeyaa bannaanbax, waxayna isku soo baxyadu ka mid noqdeen dariiqooyinka kala duwan ee nidaamka jira lagu gaarsiiyo farriin iyo inaan raali laga ahayn sida ay wax u socdaan laakin bannaanbaxaas waxaa lagama maarman ah inuusan wax ku sii dheelin ee ujeedkisu noqdo sixitaan iyo xaq doon.

Bannaanbaxyada wata rabshado inta badan waxaa ka dhasha khasaaro kala duwan halka kuwa nabadeed lagu gaaro ujeedooyinkii laga lahaa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta saaran mas’uuliyad wayn oo ah in laga wada shaqeeyo sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar iyo wanaag iyagoo wax ka baranaaya dhibaatooyinkii lasoo dhaafay sidoo kalena ilaashanaya hannaanka dowladnimo.

Waxaa iyaduna xusid mudan sida aan ciwaanka ka dhigayba in ilaalinta  hantida guud ay tahay mas’uuliyad wadareed loona baahan yahay in xil la iska wada saaro.

W.Q. Axmed Maxamed Axmed

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mas’uuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo AMISOM oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho.(SONNA)...Madaxweyne kuxigeenka Maamul Dowlad Goboleedka  Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom…

Wararka
August 30, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah…

GudahaWararka
April 15, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay…

GudahaWararka
February 27, 2024

Kulan looga hadlayay u diyaar garowga 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):-Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Stadium Muqdisho…

GudahaWararka
June 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023