Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)
Wararka

Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 25, 2020
3 Min Read
Share

Finland(SONNA)Waxaan daawaday muuqaal lagu daah-furay mashruuc loo bixiyay ”Baxnaano” oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaale lacageed oo qoondaysan ku siinayso qaar ka tirsan danyarta Soomaaliyeed ee loo gartay in ay baahida ugu badan u qabaan qoondadan.

Labo arrin ayaa markiiba igu soo dhacday marka aan muuqaalkaas arkay:

  • Tan koowaad waa, in Alle SWT ku hanuuniyay hoggaanka dalka in ammaanada ay qaadeen ay uga soo baxaan ugu yaraan qaab niyad wanaag iyo rabitaan leh.
  • Tan labaadna waa in hal-ku-dhigga dowladdan ee ah ”Nabad iyo Nolol” uu dhaboobay ama uu qarka u saaranyahay in uu dhaboobo. Ku celcelinta hadal wanaagsan oo dhegaha u roon wuxuu ku soo aadaa sida marar badan dhacda wakhti ay samadu furantahay oo uu Alle SWT ajiibo wixi afka addoomihiisa ka soo baxa,Waxaan tan ula jeedaa, in Alle aqbalay ujeedada ku hoos duugan oraahda ”Nabad iyo Nolol” oo ah labada ammuurood ee ayna sida aadka ah ugu il-darannahay.

Waxaan hadda ku jirnaa wakhti iyo waayo uu qofba taagtiis uga gaashaamanayo xanuun aan daawo iyo daryeel laheyn, waxa kaliya ee lagula tacaali karana lagu sheegay in ay tahay ”guryaha oo la jooga, dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dadkana la yareeyo”. Waa yaab! Taladaas wax miyeey u taraysaa qofka ku nool meerto-nololeedka loo yaqaan ” Nin quwaax helay, Nin qaroon helay, Ha la qarafsado”? Jawaabto waa maya, waayo waxaa qofkaas la deris ah ”labo kala daran mid dooro”.  Waa Gaajo guri og iyo cudur geeri og!

Mar haddii haahaabad waa hagar la’aane ay dowladdu dhabarka u ridatay nafaqaynta tira qoondaysay, waxaa dad badan oo adiga iyo aniguba aan ku jiro la gudboon in ay dhankooda ka billaabaan samatabixinta walaalaheenna kale ee tirada badan oo aysan gacanta dowladdu wada gaari karin.

Ganacsatada Alle wax siiyay waxaan aaminsanahay in ay dalka iyo dadka u faa’iideeyeen kana faa’iideysteen, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo mahadceliyo.

Mahadcelintaas ka sokow waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan in ay gacan u fidiyaan dadka markoodii hore dan-yaraa oo diihaalka gaajada qabay haddana dunida kale la qaba dayaca uu Korona keenay.

Dowlad waa shacab, shacabna waa dowlad! Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyeen, isgarabsiga waa lagu guulaystaa!

 W/Q: Cabdi Muuse Macalin

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

The hague(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo,…

GudahaWararka
October 25, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay hogaamintiisa ee hanaanka doorashooyinka iyo xasilinta Caasimadda “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku…

GudahaWararka
June 11, 2021

Hogaamiyaha Khaatumo oo Laascaanood ku soo dhaweeyey Ergo ka socota Sanaag

Laascaanood (SONNA): Hoggaamiyaha Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah iyo…

GudahaWararka
July 8, 2025

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga…

GudahaWararka
January 30, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023