Delhi(SONNA)-Safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa muddo kale oo hor leh galaysa hakad ahaanshaha hawlaheedii shaqo, ka dib laba asbuuc oo ay hore u iclaamisay oo dhamaad ah.
Danjiraha Jamhuriyadda Faderal-ka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Marwo Fadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaniya) ayaa jaaliyadda, iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku nool waddankiisa ku war-gelisay mar kale in ay sii xirnaan doonta safaarada ilaa amar dambe oo ay wax iska bedelayaan xaalada cudurka Coronavirus.
Mrs. Fadumo ayaa bogaadisay Soomaalida sida ay u fuliyeen awaamiirta dhanka fiditaanka cudurka ahaa iyada oo hoosta ka xariiqday in aysan jirin muwaadin Soomaali ah oo ilaa hadda laga helay cudurka gudaha dalkaasi.
Dhinaca kale, Safiirka waxay tacsiyeysay geerida ra’isul wasaarihii hore, Nuur Xasan Xuseen oo laba beri ka hor cudurka Corona uga dhintay cusbitaal ku yaala dalka Ingiriiska.