Jowhar-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda qorsheynta maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid) ayaa sheegay in ay wadaan qorsha ballaaran oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus.
Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyaed ayaa sheegay in kulan ku saabsan halista Cudurka Covid-19 ay la yeesheen qaar ka mid ah Wasaaradaha ay quseyso ee Hirshabeelle, iyagoo isla gartay in Wasaarad kasta ay qaadato doorkeeda kaga aaddan arrintaasi.
Mudane, Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid) ayaa intaa ku daray in ay iminka Gacanta ku hayaan qaar ka mid ah qalabkii looga hortagi lahaa Cudurka oo ay ka heleen Dowladda dhexe iyo Kooxihii ku howl-geli lahaa, wuxuuna sheegay in ay muhiimadda siinayaan barakacayaasha iyo Dadka jilicsan, maaddaama aysan haysan waxyaabihii ka saacidi lahaa xagga nadaafadda.
Wasiir Ismaaciil ayaa sheegay in ay adkaynayaan xudduudaha maamulkooda, wuxuuna intaa ku daray in ay goobahaasi geyn doonaan Boolis la socda dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo Kooxo caafimaad oo baaris ku samaysa badqabka Dadka.