Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuno ku ridey dad ku eedeysanaa dembiyo kala duwan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuno ku ridey dad ku eedeysanaa dembiyo kala duwan
Wararka

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuno ku ridey dad ku eedeysanaa dembiyo kala duwan

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 14, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta ufariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay debiyo kala duwan sida falal la xariira argagaxisonimo, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed.

Ugu horeyn waxa maxkamada furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan..

Maxkamada  waxa soo xaadirey Garsoorayaasha Maxkamada eedeysanayaal ilaa 10 gaaraya iyo boqolaal dadweyne oo dhageysanayey dembiyada lagu soo eedeeyey eedeysanayaasha iyo go’aanka maxkamada ka qaadatay.

Xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ayaa edeyn u soo jeediyey 11 ruux oo 2 kamid ah ay dumaryihiin waxana maxkamada goob joog ka ahaa 10 ka mid ah halka 1 qofna uu baxsad yahay oo laamaha amniga ay baadi goobayaan.

Waxa mid mid so’aalo maxkamada dhexdeeda loogu weydiyey eedeysanayaasha oo qaarna qirtay qaarna iska fogeeyey dambiga lagu soo eedeeyey.

8 ka mid ah eedeysanayaasha waxa lagu soo eedeeyey in ay lug kulahaayeen qarax miino dhulka lageliyey nooca telefoonada lagahego oo 16 ka bisha maarso 2020 ka dhacay maqaayad ku taalo suuqa xoolaha ee magaalada xuddur waxana ku dhaawacmay 7 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, labadakale ee eedeysane waxa looheystaa dil 2 qof oo shacab ah loogeystay 20-7-2018 oo ka dhacay deegaanka Hiibow oo hoostaga degmada xuddur.

Xeer ilaaliyaha maxkanada Maxamed Maxamuud Iidow ayaa sharaxay dambiyada lagu eedeeyey waxana maxkamada ka codsaday in shareecada islaamka lawaafijiyo xukunkooda.

“eedeysanayaasha waxay isugu jiraan kuwo ku eedeysan falala shabaabnimo, kuwo ku eedeysan dil dad shacab ah loogeystey iyo ku ku eedeysan lunsasho hub dowladeed, maxkamada sharafta leh waxan ka codsanayaa in cadaalada lamarsiyo eedeysanayaashaan ayuu yiri” Xeer ilaaliyaha Maxkamada Maxamed Maxamuud Iidow.

Abuukaataha Siid Cali Kheyraad Cismaan oo difaacayey dadkaan ku eedeysnaa falalka kaladuwan ayaa maxkamada usoo jeediyey in eedeysanayaasha ay helaan cadaalada iyo xaqa ay leeyihiin.

Gabagabadii xukunka maxkamada waxa ku dhawaaqey guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.

 

BY: Abdulkadir Isse

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo lagu dhaawacay qarax

Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan Amrullah Saleh ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray qarax lala eegtay kolonyo uu la socday…

Wararka
September 9, 2020

Taliye ku-xigeenka Guutada 19-aad oo kormeer ku tegay dugsiga qoriloow

Shabeellaha dhexe(SONNA):-Taliye ku-xigeenka Guutada 19-aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Dhexe Abuukar Xasan Sheekh Axmed (Galmadoobe) ayaa maanta…

GudahaWararka
October 24, 2025

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine iyo dad kale oo ku dhintay shil diyaarad

18 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Dalka Ukraine iyo laba carruur ah, ayaa dhintay ,kadib kolkii…

Caalamka
January 18, 2023

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud…

Wararka
June 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023