Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo doon casri ah guddoontay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo doon casri ah guddoontay
Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo doon casri ah guddoontay

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 31, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo doonta kala wareegay FAO ayaa ka mahad celiyay taageerada joogtada ah, waxuuna caddeeyay in doontani oo ah doontii ugu horreysay ee wasaaraddu yeelato ay qayb weyn ka qaadaneyso horumarinta xirfadda kalluumeysiga iyo soo nooleynta hannaanka kalluumeyiga dalka.

Doonta ayaa waxaa maamulaya shaqaala ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga oo horay loogu tababaray inay tababaraan shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Agaasimaha Qorsheynta ee wasaaradda Kalluumeysiga Cabdullaahi Cabdi Cadow, oo munaasabadda wareejinta ka hadlay ayaa shaqaalaha loo tababaray inay gacanta ku hayaan doonta kula dardaarmay inay xafidaan oo si looga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed.

Doontaan oo cabirkeedu yahay 10.3 mitir oo ay FAO ugu deeqday wasaaradda waxaa sameeyay mashruuca Kaluumeeysiga CCAP oo midawga Yurub uu maal geliyo, waxaana  ka faa’iideysanaya waaxda maamulka kalluunka iyo iskaashatooyinka wasaaradda kalluumeysiga si ay u dhisto awoodda shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Mashruuca kalluumeysiga CCAP oo la billaabay sanadkii 2016 ayaa u jeedada laga lahaa waxay aheyd in lagu xoojiyo qaybta kalluumeysiga dalka iyada oo dhallinyarada loo sameynayo shaqo abuur, la siinayo xirfadaha muhiimka ah iyo qalab ka saacidaya inay noloshooda iyo nolosha qoysaskooda wax ka bedlaan.

Mashruuca oo kaashanaya wasaaradaha kalluumeysiga DFS iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku guuleystay in dhallinyaro badan loo tababaro hannaanka kalluumeysiga iyo hababka casriga ah ee loo kalluumaysto, sidoo kalana siiyay doomo ay ku jillaabtaan, arrintaas oo waxbadan kusoo kordhisay xirfadooda, agabkooda iyo waxsoosaarkooda dhinca kalluumeysiga, horumuudna u noqotay inay qayb ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Doonta ay maanta wasaaraddu la wareegay ayaa qayb ka ah agabka kalluumeysi oo wax lagu tababaro oo FAO ay ka qaybsisay dalka ayaa qayb ka qaadaneysa horumarinta xirfadda Kalluumeysatada iyo iskaashatooyinka, taas oo qayb ka ah hagaajinta guud ee qeybta kalluumeysiga dalka.

Hay’adda FAO ayaa 24 doonyood oo cabbirkoodu kala yahay 7.5 iyo 8.3 waxay ku wareejisay wasaaraddaha kalluumaysiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug sanadkii 2019 iyo billaawga sannadkaan 2020, waxaana loo qaybiyay iskaashatooyinka kalluumaysatada ee xeebaha Soomaaliya.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray Askari jirdilay gabar Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adaha ammaanka ayaa soo xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari loo heysto in uu jir-dil u geystay gabar Soomaaliyeed,…

GudahaWararka
July 15, 2025

Madaxweyne Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono Baraha bulshada ay ku xiriirto ee dalka Turkiga

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo…

Wararka
July 2, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laas-caanood

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada…

GudahaWararka
January 1, 2023

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa Baarlamaanka Adduunka 

Tashkent-Uzbekistan(SONNA):-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan…

GudahaWararka
April 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023