Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo cambaareeyey qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in falkan uu muujinayo sida fuleynimada ah ee argagixisadu ay u caadeysteen gumaadka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay heegan kaga jiraan ka hortagga cudurka Koroona oo ah musiiba calami ah balse argagixisadu oo aan waligood u diir-nixin shacabkeenna Soomaaliyeed ay u arkaan fursad ay ku sii kordhin karaan dhibaatada ay u maleegayaan dadkeenna.
“Arxan darrada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waa mid qof kasta oo damiir leh uu ka dhiidhiyo. Wakhtiyadii abaaraha adag ay ka dhaceen dalka, fatahaadihii sababay xaaladaha binu aadantinimo iyo maanta oo aan la tacaaleynayo ka hor tagga cudurka Koroona intaas oo xaaladood iyo kuwo ka adagba argagixisadu waxa ay la barbar socdeen gumaad iyo weeraro bahalnimo ah.”
Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo iyo wadajir kaga gudbaan marxaladahan adag oo gacanna ay iskaga xoreeyaan argagixisada, gacanta kalena ay kaga hortagaan musiibada caalamiga ah ee cudurka Koroona.
Wasiirka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi, wuxuuna ayaa Alle caafimaad deg-deg ah uga barya saraakiisha ciidan iyo dhammaan dadka birmo-geydada ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxaas bahalnimada ah.
*DHAMMAAD*