Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)
    November 7, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekadda
    November 7, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    November 7, 2025
    Hey’adda Socdaalka oo daahfurtay tababar la xiriiray sugidda xuduudaha dalka
    November 7, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka
    November 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY GUUSHA SHACABKA IYO DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KASOO HOYEEN DEYN CAFINTA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY GUUSHA SHACABKA IYO DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KASOO HOYEEN DEYN CAFINTA
GudahaWararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY GUUSHA SHACABKA IYO DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KASOO HOYEEN DEYN CAFINTA

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 26, 2020
2 Min Read
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

 

“Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.”

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna.

 

“Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.”

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Belem(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb…

November 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda socdaalka oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan hubinta Dukumintiyada socdaalka

Muqdisho (SONNA): Kulankan oo uu goobjoog ahaa agaasime ku xigeenka hay'adda mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh, isla markaana ay ka qayb galeen…

GudahaWararka
November 20, 2024

Jacob Zuma oo hada ah maxbuus ayaa loo ogolaaday inuu ka qeyb galo aaska walaalkiis

Muqdisho…SONNA…Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo hadda maxbuu ah ayaa loo golaaday inuu xabsiga ka bixi karo si…

CaalamkaWararka
July 22, 2021

Duqeyn lala beegsaday dhagar-qabayaasha Alshabaab

MUQDISHO (SONNA)- Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga…

GudahaWararka
August 1, 2021

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Muqdisho-(SONNA)- Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada…

GudahaWararka
December 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023