Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Wararka

Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 22, 2020
4 Min Read
Share

Ku Dhowaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo inay khasaareen.

“Wareegii koowaad iyo wareegii labaad lacagtii aan qabanay ayaa guud ahaanba naga qasaartay waxaana ku qasbanaanay inaa mar kale lacag qabano si aan suuqa ugu sii jirno mar kale ayaa dib u furnay isdiiwaan galintii bisha Fibaraayo bilowgeedii iyadoo ay faa’ido naga sugayaan macaamiishii aan qabanay bilihii Diseember iyo Janaayo, lacagtii isdiiwaan galintaan kasoo xarootay waxaan u kala qeybinay qeyb aan faa’ido ahaan u bixino iyo qeyb aan suuqa galino” mid kamid ah shirkadaha dhaca geystay (Qaran) ayaa boggooda Facebook sidan ku soo qoray, taas oo muujineysa sida ay khiyaamadan u shaqeyso.

In ka badan 10 kooxood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay inay musallafeen, waxayna kooxahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.

Horjoogayaasha kooxahan ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr goor muwaadiniinta uga digay Khiyaamadan, isaga oo caddeeyay in kooxahan aysan ahayn shirkado sarrif ka shaqeeya, isla markaana aysan ogolaansho ka heysan Bangiga Dhexe. Digniinta ayaa waxaa la socday wacyi gelin ballaaran oo Bangiga Dhexe ku sharraxay dhibaatada uu mashruucaan u geysan karo bulsahda Soomaaliyeed and xasiloonida habmaaliyadeedka dalka, taas oo la aaminsan yahay inay yareysay khasaarihii ay kooxahan geysan lahaayeen.

Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Shirkada Hubaal, oo ay maalgashadayaasheedu gaarayaa 2,000 ayaa farriintan Boggeeda Facebook-ga soo dhigtay kadib markii ay xaruntooda ku xoomeen dad faa’ida ka doontay oo ku hungoobay:
“Macaamiisha aan qaadan faa’iidoyin 29ka february iyo 5ta march, waxay qaadan doonan 2 bil ka dib. Macaamiisha qaatay faa’iidoyinka 10,15,20,25 february waxay faa’idoyinka qaadan doonan sadex bil ka dib insha ALLAH. Faa’iidada la qaadan doonana waxay noqon doontaa 100% haduu ALLE idmo”.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in hay’adaha amnigu ay sheedda ka eegayaan dhaqdhaqaaqyada horjoogayaasha kooxahan si aysan dalka uga baxsan.

Khiyaamadani waa mid hore loogu dhacay waddamo badan oo adduunka soo koraya ah. Dalka Kenya ayaa ugu dambeeyay dalal badan khiyaamadan oo kale lagu xaalufiyay shacabkooda, iyada oo Balaayiin shilinka dalkaas ah si khiyaamo ah loogala baxsaday, taas oo keentay inay musallafaan kumannaan Kenyan ah oo horay u ladnaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si…

Wararka
February 13, 2020

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.…

GudahaWararka
January 3, 2024

Taliska xoogga dalka oo dargar gelinaya tababarada sare ee ciidanka

Muqdisho (SONNA): Taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha kulliyadda…

GudahaWararka
May 29, 2024

Madax ka tirsan maxkamadda ciidamada oo la kulmay saraakiisha ciidamada ee  ka howlgala Gaalkacyo

Gaalkacyo.(SONNA)...maxkamada ciidamada qalabka sida g/lle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahaanba howlo shaqo ku joogay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug…

Gudaha
June 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023