Muqdisho (SONNA)- Madaxweyne ku xiggeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta tababar u xiray ciidamo boolis ah, kuwaasi oo noqonaya dufcaddii seddexaad ee uu yeesho muumulka Hirshabeelle.
Munaasabada Tababarka lagu soo xiray, ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka amniga Hirshabeelle, Taliyaha Booliska maamulkaasi, xildhibaano, wasiiro, Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe iyo mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa tirada Ciidanka tababarka loo soo xiray ku sheegay labo boqol oo Askari, kuwaasi muddo Seddex bilood ah Tababar u socday, isaggoo xusay in Ciidankaan laga kala keenay degmooyinka maamulkaasi.
Madaxweyne ku-xiggeenka Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay Ciidanka tababarka loo soo xiray dhabar adeega ay muujiyeen, waxaana uu tilmaamay in si fir-fircooni ay ku jirto looga baahan yahay inay u gutaan howlaha amni ee loo xilsaaray.