Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo Isbitaal ku booqay Qoyska Shahiid Gacal
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo Isbitaal ku booqay Qoyska Shahiid Gacal
WararkaWargayska

Madaxweyne Farmaajo oo Isbitaal ku booqay Qoyska Shahiid Gacal

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 12, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho, Maarso(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Shahiid Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalkaโ€.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha geesiyaasheenna Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.

Garab istaaga qoysaska Naftood hurayaasha u shahiiday difaaca dalka,waa rugni ka mida tiirarka dowladnimada, iyo ilaalinta xaqa uu Daljiruhu ku leeyahay Qarankiisa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo iyo wacyi gelin ka wada degaanka Buulo Xaaji

Kismaayo-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka kumaandooska Danab ee Jubbaland, Carab Dheeg ayaa shacabka deegaanka Buulo-Xaaji ka ballan-qaaday in deegaanka aysan Khawaarij ku soo…

GudahaWararka
June 19, 2024

Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo laga soo saaray Warmurtiyeed ย 

Shirweynaha Qurbajoogga Soomaaliyeed ee lagu qabtay Magaalada Dooxa, ayna martigelisay Dowladda Qatar ee aanu walaalaha nahay , socdayna 22-24 July…

GudahaSiyaasaddaWararkaWargayska
July 25, 2024

Wasiir Biixi “Ganacsatadu canshuur ma diidana weyna bixiyaan”

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo maanta ka hor hadlay golaha shacabka Jamhuuriyadda FS…

GudahaWararka
August 19, 2024

Ruwaanda:Xisbiga Paul ย Kagame ย oo haweeneey u doortay ku xigeen

Xisbiga haya talada dalka Rwanda, RPF, ayaa doortay haweeneydii ugu horeysay ee noqota gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi, xilli madaxweyne Paul…

Caalamka
April 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023