Baraawe(SONNA)–Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu gaaray Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ku soo dhaweeyey Masโuuliyiinta Maamulka degmada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.
Xubnaha la socda Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah , Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi iyo Xubno kale, iyagoona halkaasi mashaariic kala duwan ka fulin doono.
โWaxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo Wasiiro ka tirsan XFS, degmada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashadaโ ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.