Gendeshe(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Ciidanka dowladda iyo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ay ka fuliyeen meel u dhaw tuulada Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay Alshabaab ku sugnaa meel u dhaw Tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .
Duqeyntan oo aheyd mid qorsheysan ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.
DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu guda jiro la dagaalanka Al-shabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.
Weerarkan ayaa imanaya kagadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay iska difaaceen weerar Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.
Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ceel Salini.