Muqdisho-(SONNA)-Ciidamanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn Cirka ah ku dilay Bashiir Maxamed (Qoorgaab) oo ahaa Abaanduulihii Malleeshiyada Argagixisada ah ee Al-shabaab, madaxii howlgalada Kenya, iyo Xubin kamid ah Golaha fulinta, isagoo mas’uul ka ahaa weerarrada xeryaha Ciidamadda.
Duqeeynta lagu dilay Horjoogahani xilalka badan ka hayay Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa kadhacday Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe 22-kii bishii Febaraayo.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay dilka horjooge Bashiir Maxamed (Qoorgaab), inay kusuuragashay iskaaashi ay la sameeyeen sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Africom, wuxuuna sheegay in aysan jirin Dad Shacab ah oo ay duqeyntu waxyeello kasoo gaartay.
Ciidanka Xoogga Dalka oo taagero kahelaya saaxiibada caalamka ayaa ku guuleystay naafeynta cadowga Al-Shabaab ka dib duqeymo iyo weerarro is daba joog ah oo ay ka fuliyen Gooobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobollada Dalka, iyadoo ay bar-bar socoto howl-gallo xagga Dhulka ah oo lagu cirib titayo nabad-diidka.