Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania
    June 30, 2025
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    June 29, 2025
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo asteysay qabashada shirweynaha Dhammeystirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
    June 29, 2025
    Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale
    June 29, 2025
    Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda
    June 29, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)
WararkaWargayska

Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 4, 2020
3 Min Read
Share

Qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka hadlay noocyada duur joogta Gobolka Bakool laga heli jirey, sida qaar kood u dabar go’een iyo ahmiyaha ay leedahay in la ilaaliyo Duur joogta.

Duur-joogta dabar go’aday waxa ka mid ah Goronyada, Maroodiga, Geriga, Baciidka iyo Goodirka, waxyaabaha  sababa in ay deegaanka ka suulaan ayaa lagu sheegay abaaro is daba joog ah oo soo noq noqday iyo bilaa macni daro loo laayo, maadaama cid sigaar ah u xanaanysa aysan jirin muddadii 30-ka sano a ee la soo dhaafay.

In kastoo ay jiraan kuwo fara ku tiris ah oo wali haraadi ku ah ayaa kuwa u adkeystay ugaarsiga iyo dhibaatada kale ee soo wajahday oo weli deegaanada laga helo waxa ka mid ah Deerada, Sagaarada, Diinka, Bakeylaha, Haramacadka, Dawacda, Dabagaalaha, Dhurwaayga, Daanyeerta iyo kuwo kale.

Maxamed Xasan Aadan oo ku magac dheer (Macalin Shig shigow) waxa uu ka mid yahay Waxgaradka Magaalada Xudur, waxaana wax ka weydiinay abaarihii iyo dagaaladii sokeeyey ee dalka soo marey sida ay u saameeyeen duur joogtii deegaanadaan caanka ku aheyd.

Macallin Shig shigow ayaa intaasi ku darey in bulshada ay ka tashadaan sidii loo badbaadin lahaa Xaywaanada duur joogta ah oo cid kale looga sugin in ay u doodo xuquuqda xaywaanada, wuxuna sheegey in uu aaminsan yahay in haddii ugaarsiga ka ganacsiga iyo barakicinta laga daayo ay dib deegaanka ugu soo laabanayaan.

Dhinaca kale Cabdi Aamiin Isaak oo isna ka mid ah waxgaradka Degmada Xudur ayaa qaba in maleeshiyada argagaxisada alshabaab ay sabab u yihiin dabar go’a Xaywaanada duur joogta ah maadaama ay qaarna cunaan qaarna ay kabarakiciyeen dhulkii howdka ahaa oo ay ku noolaayeen, iyagoo ka carara meelaha ay colaaddu iyo abaartu ka jirto.

Sida la ogyahay Alshaab waxay hoy ka dhigteen oo hadda ku dhuumaaleysanayaan dhuulkii lama degaanka ahaa oo xayawaanada duur joogta ah ku dhaqmi jireen.

Cabdi Amiin isak ayaa sheegey in Xayawaanada la barakiciyey ay gudaha u galeen dowladaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna bulshada ugu baaqey in ay ka waan toobaan ugaarsiga iyo xaalufiinta duur joogta.

W.D: M.Gooni iyo Habeyntii C/Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania

Dar es Salaam(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo maanta la xukumay

MUQDISHU-(SONNA)-Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay…

GudahaWararka
October 12, 2020

Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha.

Muqdisho-(SONNA)-Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta ku meel…

GudahaWararka
November 2, 2020

Taliska Booliska oo ka digay in xabado la rido waqtiga dabaaldegga xorriyadda

Muqdisho (SONNA): War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga digay ciidamada qalabka sida iyo…

GudahaWararka
June 25, 2024

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay heshiiska Xabbad-joojinta Gaza

Gaza, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada…

GudahaWararka
January 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023