Muqdisho (SONNA)- Inta badan wariyeyaasha ka howlgala magaaladda Muqdisho ayaa ka qeyb galay shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka, u jeedkiisuna ahaa qaabkii la isaga kaashan lahaa ka wacyigelinta bulshada ย cudurka qatarta ku haya dunida ee koroona fayrus oo saameeyay in kabadan 60 dal, islamarkaana ay u geeriyoodeen In kabadan Seddex kun oo qof.
Wasaaradda Caafimaadka oo gudaneysa waajibaadka ka saaran ilaalinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa bahda saxaafadda la wadaagtay warbixno kala duwan oo cudurka ku saabsan sida qaabka looga gaashaaman karo, sida loo kala qaado iyoย sida ugu haboon ee Looga hortagi karo, Waxaana bahda warbaahinta laga codsadayย Inay xogta la xiriirta xanuunkan ay kasoo xigtaan wasaaradda caafimaadka, si looga fogaado In warar aan sugneyn loo gudbiyo bulshada, taas oo ay ka dhalan karto qatar badan.
Axmed Aadan Maxamedย Agaasimaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay In illaa iyo hadda uusan jirin wax kiis ah oo ku saabsan cudurkaan oo ay diiwaan galiyeen, wuxuuna ku baaqay in si wadajira looga hortago cudurkaan.
Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka Dr Cabdullahi Xaashi Cali ayaa sheegayย In wariyeyaasha loogu baahanyahay inay qeyb weyn ka qaataan badbaadada shacabkooda, kana ilaaliyaan xogaha been abuurka ah ee qalqalka abuuri kara.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa xustay inay ku howlan yihiin ka hortagga cudurka Koroona fayrus ,Waxeyna dhinaca kale ka hadashay Waxa wasaaradda uga qorsheysan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban qaar kamida dalalka uu cudurku ka dilaacay, iyadoo sheegtay in ay mar walba garab taaganyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa ka mida dalalka feejignaanta uga jira cudurka halista badan ee koroona fayrusย oo saameeyay dalal badan, islamarkaana ay u geeriyoodeyn kumanaan ruux.