Muqdfisho(SONNA)–Shaqaalaha kala duwan ee xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u madlan ama u ballansan inay ka qeybgalaan ololaha isxilqaan ee ka socda goobaha danta guud ee Muqdisho.
Shaqaalaha oo ay hoggaaminayaan qaar kamid ah madaxda Madaxtooyada ayaa hadda howl ka hayaย Xarumaha laga wado barnaamijkan, waxayna gudan doonaan waajibaadka laga sugayo ee ay ku leeyihiin wareega 12-aad ee ololaha.
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan uu Madaxweynaha Qaranku derdergelin xoogan ku sameeyey qaabka uu u socdo ololaha isxilqaan, isagoo mahadcelin u jeediyay dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee ka qayb gala ololaha isxilqaan.
Diyaarintii: Zakariye Khaliif Faarax
News Room โ Warbaahinta Qaranka.