Riyaad(SONNA)–Dawladda Sucuudiga ayaa waabergii maanta oo khamiis ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u joojisay waqtiga cimrada ee sanadkan ay bulshada islaamku ku tagi lahaayeen Sucuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku caddaysay kadib markii madaxda sare ee dalka Sucuudigu ay maalmihii lasoo dhaafay shirar is daba jooga ka yeesheen sidii ay dawladda Sucuudigu uga hor tagi laheyd cudurka khatarta ah ee Corona Virus.
Boqortooyada Sacuudigu ayaa waxay xaqiijisay in goโaankani uu saameyn adag ku yeelanayo dadka ajaanibta ah ee ka imanaya dalka dibaddiisa, sidoo kale waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Sucuudiga laftoodu aysan si toos ah u tagi karin cumrada ilaa laga hubiyo caafimaadkooda.