Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa
    May 11, 2025
    Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania
    May 11, 2025
    Safiirka JFS ee Masar oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho rasmi ah ku yimid Qaahira
    May 11, 2025
    RW ku-xigeenka labaad ee XFS oo kormeeray goobihii ay Saameyeen Roobabkii Da’ay
    May 10, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo
    May 10, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
    Ingiriiska oo ku baaqay in la  qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza
    May 2, 2025
    2-kun oo naftooda ku waayey dagaalka Gaza,kadib bishii March
    April 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Wararka

Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO

By Kulane
Last updated: February 24, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn.

Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xidhiidha Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi  iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu,  waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay lee dahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo Wasiirku uu booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn Mudane Zayed R. Al Zayani, ayaa qado sharaf u sameeyey dhiggiisa dalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminaayey.

Ugu dambeyntii, weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa hore socdaal shaqo ugu soo maray wadanka Cummaan oo ay ka soo wada-hadleen siddii labada dal ay xidhiidh Ganacsi u sameyn lahaayeen, waxaana ay isku soo af-garteen in labada wadan ay yeeshaan heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya Wasaaradaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan.

    

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Muqdisho(SONNA);-Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika…

May 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONCiidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose. Howlgalka…

GudahaWararka
October 9, 2023

Wasiirka amniga oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan wadajirka Boliiska

Muqdisho (SONNA): Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shir…

GudahaWararka
December 10, 2024

Golaha Ammaanka oo taageeray in Xalka Israel iyo Falastiin uu ku jiro dhismaha 2 dal

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray xalka laba dawladood ah oo lagu dhameeyo khilaafka Israa'iil iyo Falastiin ka…

Caalamka
April 19, 2024

Guddiga Baarlamaanada u qaabilsan saaxiibtinimada Baarlamanka Qatar oo la kulmay safiirka Qatar

Muqdisho (SONNA): Guddoonka guddiga saaxiibtinimada Labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qadar ayaa maanta kulan hordhac ah…

GudahaWararka
October 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023