Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Daa’uud Aweys oo la kulmay Danjire Justin Davis
    April 15, 2026
    Hawlgal lagu laayey maleeshiyaad Khawaarij ah oo ka dhacay Hiiraan iyo Baay
    April 15, 2026
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulam muhiim ah la yeeshay Dalladda SORECA
    April 15, 2026
    Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay ku dhawaad 60 Khawaarij ah
    April 15, 2026
    Wasiir Daa’uud “Barnaamijka dhir-beerista waxaa uu qiimo badan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo qaranka”
    April 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)
MaqaalladaWararkaWargayska

Af qalaad Aqoonta miyaa? (Maqaal)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 22, 2020
8 Min Read
Share

Maadaama dhawaan dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo ayaa waxaan qormo kooban ku soo qaadaneynaa taariikhda Afkeenna Hooyo, heerarkii uu soo maray iyo ugu dambeyntii sida uu u najaxay.

Dowladihii dhexe ee shacabka ahayd 1960 iyo 1967 talada wadanka hantay waa ay gaari waayeen go’aan farta lagu qorayo Af Soomaaliga iyada oo si wanaagsan loo soo bandhigay baahida loo qabay qorita Af Soomaali si looga xoroobo gumaysi afkiisa si dhaqanka iyo nolosha wadanka iyo maamulkiisa si toos ah loo hanto.
Guddiga Af Soomaaliga.

Sida Afafka oo kale wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana xil loo magacaabay seddex jeer, iyada oo dood fogaatay darteed iyo taageero qalafsan oo xubno Dawladda ka tirsan, ganacsato iyo xunbaha guddiga qaarkood ay gacan maroojin ku samaynayeen xubnaha guddiga. Taageero dad aan danta guud ka fakarayn, dad qabiilka ku fogaa iyo ganacsato wax kale laga dhaadhiciyay iyo guud ahaan dowladihii oo fadhiid ahaa iyo go’aan la’aan wasaaradihii ku shaqo lahaa arrinta qorista Af Soomaaliga ayaa mixnad ku noqday guddiga inuu fuliyo howlihiisa. Sidoo kale wadamo shisheeye sida kuwo Carbeed ayaa taageero iyo mucaarad isku garab waday.

Labo jeer ayaa waxaa uu guddiga soo saaray ama daabacay xogtii uu helay. Labadii jeerba xogta waa la duugay oo hab musuqmaasuq unbaa lagu sifeyn karaa. Baaristii labaad yo xog-baarkii labaad hey’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa maalgelisay baarista iyo fadhiga guddiga.
Shaqada Guddiga Af-Soomaaliga.

Xubnaha Guddiga Af-Soomaaliga oo ay ku jireen rag aad ugu xeel dheeraa maadada Af Soomaliga, oo qaarkood ay ahaayeen qoreyaal ayaa u howlgalay sidii loo heli lahaa farta ama xuruufta taaganeyd. Guddiga Af Soomaaliga wuxuu shaqo bilaabay sanadkii 1961-kii markii labaad waxaa la howlgaliyay 1967-kii.

Markii seddexaad waxaa waxaa dib loo abaabulay sanadkii 1972-kii, iyaga oo qaamuus, buugag iyo manhajyo ku diyaariyay mudo 1 sano gudihiis ah. Guddiga waxay go’aansadeen in Far Soomaaliga lagu qoro xuruufta Laatiinka, iyada oo dhaqaalaha wadanka loo eeyay iyo qalabka markaas la heli karay oo u badnaa midka farta laatiinka ama ABC ku naqshadaysnaa. Qorist Far Soomaaliga ayaa go’aan laga gaaray 1972-kii, iyada oo guddiga isla markiiba ku dhaqaaqay ururin qaamuus iyo howlo kale oo baaxad leh.

Waxaa jiray codbixin ballaaran oo la siinayay in xuruufta Af Carabiga la doorto balse dhaqaalaha inuusan saamaxeyn, isla markaana Af-Carabi ay bulshada Soomaaliyeed ku baran karaa si sahal maadaama cannuga walba oo Soomaaliyeed uu Qur’aanka ku barbaaro oo aysan mushkilad ku noqoneyn in Af Carabi, afka Quraanka la baran waayo.

Xuruuf qalaad ayaa jirtay sida Cismaaniya laakiin Af Xabashi maldahan ayay ahayd. Dowladihii na taageerayay ee Carbeed nooc gumeysteyaal ah ayay ula dhaqmayeen bulshada iyo Dawladda Soomaaliyeed wax dhaqaale ah oo ay nagu biirin kareene ma jirin oo iyagaanba is fahansanayn. Taasina way cadaatay muddo ka dib. Guud ahaan 18 far aya laga doortay farta la ansixiyay.

Guddiga Af Soomaaliga waxay qoreen buugtii ugu horreysay ee Af Soomaali rasmi ah lagu qoro walow Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Shire Jaamac Axmed ay tijaabiyeen Far Soomaali hore. Fartii Shire Jaamac Axmed ayaa hirgashay kalfadhigii ugu dambeeyay ee uu guddiga ku go’aansaday in la qaato xuruufta Shire Jaamac Axmed uu alifay.

Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal iy Shire Jamaac Axmed waxay qoreen buugaag 1954-kii iyo 1965-kii sida ay iskugu xigaan. Dugsiyo dhowr ah oo waxaa jiray loogu magac daray Muuse Galaal.

Xubnaha Guddiga Af Soomaaliga ee sanadkii 1972-kii u fadhiistay xalinta Far Soomaaliga oo muddo 18 sano ah taagnayd waxay ka tageen buugaag lagu xusay suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ama sooyaaalka Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga Far Soomaaliga waxay ahaayeen:-
Shariif Saalax Maxamed Cali Guddoomiye
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Xubin
Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
Shire Jaamac Axmed Xubin
Khaliif Suudi Xubin
Mustafe Sheekh Xasan Xubin
Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
Yuusuf Meygaag Samatar Xog-Haye
Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin

Guddiga Af Soomaaliga seddex jeer ayaa la abaabulay. Xubnihii ugu dambeeyay ayaa gaaray ujeedkii iyo yoolkii loo abaabulay guddigaas.
Guddiga Af Soomaaliga waxaa laga dhaxlay Guddiga Horumarinta Manaahijta iyo shaqaale badan oo ka howlgalay Wakaalada Madabacada Qaranka.

Af Soomaali Tacliinta Aasaasiga ilaa sare.
Waxbarashada aas aasiga inta badan si sahal ah ayaa lagu askumi karaa haddii la helo dad aqoon u leh maadooyinka iyo nolosha dhaqandhaqaale ee bulsho iyaga oo tiigsano waxa ay bulshadaas tiigsanayso aayatiinka dhow iyo kan fog. Labada heer ee hoose/dhexe iyo waxbarashda dugsiyada caadiga ah waxaa mas’uul ka ahaa Xafiiska Horumarinta Manaahijta oo hoos imaan jiray Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta.
Dhammaan dugsiyada hoose dhexe ilaa sare iyo goobaha tacliinta sare sida kulliyadaha iyo Jaamacada Ummada Soomalaiyeed intaba waxaa laga bixin jiray casharoo oo ay dejiyeen Guddiga Horumarinta Manaahijta iyada oo ay jirtay in xarumaha tacliinta sare ay lahaayeen waax u gaar ah dejinta manhajka dhaafsan heerka aas aasiga. Kulliyadaha iyo jaamacadaha waxay dejin manhaj takhasus sida beeraha, culuunta Siyaasadda, maamulka iyo maaraynta iwm.

Wakaalada Madbacada Qaranka
Wakaalada Madbacada Qaranka oo ku taalay dhabarka Xafiiska Dolwada Hoose ee Degmada Xamar wayne aaga Sukundo Liido waxay qayb lixaad leh oo aan la soo koobi karin ka qaadatay horumarinta Af Soomaaliga.
Dhammaan buugaagtii Af Soomaaliga ku qornaa ee lagu daabacay Soomaaliya sanadadii 1973-kii ilaa 1990-kii waxaa daabacday Wakaalada Madbacada Qaranka.

Haddaba si loo weyneeyo maalinta Afka Hooyo ayaa waxaa lagu qabtay munaasabaddo meelo ka tirsan Soomaaliya, waxaana ka mid ah mid lagu qabtay Magaalada muqdisho, taasi oo uu ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, isagoo ka hadlayay dadaalka loogu jiro horumarinta Afka hooyo ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dhaq-dhaqaaqyada kobcinta Afka Soomaaliga.

Wasiir Goodax, ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadanayso horumarinta Afka iyo sameyntii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay inay ka shaqeynayaan tababarka shaqaalaha Dowladda, si qoraallada ka soo baxa Xafiisyada Dowladdu ay u noqdaan kuwa ku qoran Af Soomaali sax ah.

Horaa loo yiri Af Qalaad Aqoonta miyaa? Maya ee waa inta eebbe gashaa, sidaasi awgeed waa in aynu ku fara adeegnaa horumarinta iyo adeegsiga Afkeenna Hooyo.

W.Q:-C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Daa’uud Aweys oo la kulmay Danjire Justin Davis

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan…

April 15, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Masar

Masar (SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa…

GudahaWararka
October 8, 2023

QM oo sheegtay in dad ka badan nus Malyuun ay ka barakaceen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya

New York-(SONNA)-Hay’adda QM u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Dad kabadan 150,000 ay ka barakaceen fatahaadihii ka dhacay…

WararkaWargayska
August 8, 2020

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey horumarinta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi…

GudahaWararka
March 20, 2025

Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya

Tripoli (SONNA): Intii uu socday Shirka Labaad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023