Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”
Wararka

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibadda “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 13, 2020
3 Min Read
Share

Berne, Switzerland (SONNA) – 13 Febraayo 2020) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa awoodda boostada ee dhinaca ammaanka, iyada oo laga taageerayo qalabka, tababarka iyo dajinta siyaasado iyo istaraatiijiyado lagu sugayo ammaanka boostada ka baxaysa dalka, waxaana mashruucan maalgelinaysa Dawladda Japan.

Mashruucan ayaa imanaya iyada oo uu gabagabo marayo qorshaha ay Boostadeenu ku billaabeyso inay dalka dibeddiisa wax u dirto markii ugu horreysay tan iyo 1991-kii, markaas oo adeeggii boostada uu burburay, iyada oo iminka ay gabagabo marayaan diyaarinta siyaasadiha iyo habraacyada, tababarka shaqaalaha, diyaarinta agabka sida tikidhada (farangaboolooyinka), xaruntii boostada ee garoonka Muqdisho, xiriirka diyaaradaha, iwm.

“Mashruucan wuxuu ku soo aaday xilli muhiim ah oo aan isku diyaarineyno inaan billowno boostada dibedda. In boostada dibedda loo diro waa shaqo aad u adag oo u baahan inaad buuxiso shuruudo badan, oo lama mid aha marka boostada imanayso oo aad ku qeybin karto hal meel,” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u xusay in mashruucan ka mid yahay waxyaabaha loo soo fasaxay wasaaradda ka dib markii ay sanadkii 2019-kii dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Ururka, taas oo u xannibneyd bixin la’aanta qaaraanka UPU tan iyo 1983-dii.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka sare ee UPU, gaar ahaan Danjire Bishaar, oo nagala shaqeeyay mashruucan iyo kuwii ka horreeyay ee lagu soo nooleynayay boostada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka heerka sare ee horumarinta adeegyada boostada adduunka, kaas oo maanta ka furmay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland. Shirkan ayaa looga hadlayaa baahida loo qabo isbeddello lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso UPU, xilli horumar weyn laga gaaray arrimaha teknolojiyada, ayna soo baxeen boostooyin gaar loo leeyahay, kuwaas oo hoos u dhigay qaar ka mid ah adeegyadii ay boostadu qaban jirtay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Suuriya :Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish

Ciidamada  Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda ISIL ee dalka Suuriya, kadib weerar hal…

Caalamka
April 4, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda QM

Muqdisho,(SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee…

GudahaWararka
August 10, 2025

War-saxaafadeed muhiim ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Muqdisho,(SONNA):- Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, wuxuu ku wargelinayaa Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha kale oo arrimaha Doorashooyinka inuu…

GudahaWararka
April 20, 2025

Madaxwynaha Koofur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socdo Qaramadda Midoobay

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada kumeel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur…

GudahaWararka
July 13, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023