Addisababa(SONNA) Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.
Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.
Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hayโadaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.
ย