Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galay shirka midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo ka socda Magaalada Ouagadougou ee Caasimadda Dalka Burkina Faso.
Shirka oo galay Maalintii Afaraad waxaa ka looga hadlay arrimaha Dalalka Islaamka oo ay
ugu horreyso qaddiyadda Falastiin, iyadoo lasoo jeediyay in la sameeyo Guddi ka shaqeeya arrimaha ammaanka iyo Aragagixisada. sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo wafdiga qeyb ka ah.
Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Wadamada Islaamka ayaa intii uu shirku socday la kulmay
Madaxweynaha Dalkan Burkina Faso , Roch Marc Christian Kaborรฉ, iyagoo uga mahad celiyayย marti gelinta uu u sameeyay.
Beri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa In lasoo gaba-gabeeyo shirka, isla markaana laga soo saaro war murtiyeed ay ku xusan yihiin qodobbada ka qeyb galayaashu ay ku heshiiyaan.