Hobyo-(SONNA)-Waxaa Sanadihii ugu dambeeyay si weyn isu soo tarayay horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsanayso Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Hobyo, Maxamuud Maxamed Cawaale, oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in amniga, dhaqaalaha, adeegyada Bulshada iyo bilicda Magaaladuba ay wax weyn iska beddeleen ka dib booqashadii uu Madaxweynaha Dalka ku tagay Bishii Janaayo 2018-kii.
Mudane; Cawaale, oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in amniga Magaalada Hobyo uu haatan yahay mid dhamaystiran, horumarrada kale ee ka jirana ay ku baaheen iminka degaannada ku xeeran.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay wada shaqayn buuxda ka dhexeyso Ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed ee halkaasi ka how-gala iyo kuwa Galmudug, isla markaana ay tahay cududda keliya ee Shacabka Hobyo ay ku naalloonayaan had iyo goor.