Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 29, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qeyb galay munaasabad abaal marin lagu gudoonsiinayey saxafiyiin ku guuleystay tartartanka diyaarinta warbixino ku saabsan arrimaha bulshada.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta safaarada ingiriinka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ee mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Deeqa yaasiin, kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya mudane Dr Mattew Rowland, xildhibaano iyo wakiilo matalayey ururada saxaafada Soomaaliyed.

Munaasabada ayaa ujeedadeedu aheyd siddii abaalmarin loo guddoonsiin lahaa afar saxafi oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa diyaarinta sheekooyin arrimaha bulshada oo hab muuqaal loo diyaarinayey, kaasi oo safaaradda ingiriinska ay ku dhawaaqday Seddexdii Bishii May ee sanadkii hore oo ku beegneyd maalinta saxaafada xorta ah ee caalamka.

Dr Mattew Rowland oo ah kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay safaaradu uqabatay tartanka ay tahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa loona muujin lahaa tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaggoo hambalyo udiray saxafiyiintii ku guuleystay abaalmarinta.

Xoghayaha ururka isu tagga saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Maxamed ibraahim Macalimow ayaa sheegay in abaalmarintani ay dhiiri-gelineyso islamarkaana horumarineyso tayada dhalinyarada saxafiyiinta ah, isaggoo safaaradda Ingiriinka uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin saxafiyiinta Soomaliyeed,.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha Maryam yaasiin oo gabogabadii Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo ay u ujeediyeen dhalinyarada guuleystay kadib waxay sheegeen in hoggaanka dawladda ay ka goโ€™an tahay in ahmiyad weyn siiyaan xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn qaar kamid ah dhalinyaradii ku guuleytay tartanka oo la gudoonsiiyey shahaadooyin ayaa sheegay inay kufaraxsanyihiin abaalmarinta la gudoonsiiyey.

 

ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SODMA oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hayโ€™adda Cunnada Adduunka ee (WFP)ย 

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Hayโ€™adda Cunnada Adduunka WFP…

GudahaWararka
July 15, 2024

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xarunra Safaaradda kulan afur ah ugu sameeyay ku dhawaad 50 Safiir oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Muqdisho:( SONNA) Kulanka waxaa ka qeybgalay Masโ€™uuliyiin ka tirsan Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, mas'uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo…

Wararka
March 16, 2025

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan” Waxaa diyaar ah 17-urur siyaasadeed oo ka qeyb qaadanaya doorashada dadweyne ee soo socota,”

Muqdisho.(SONNA):- Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo gudoonsiiyey 12 Urur…

GudahaWararka
April 19, 2025

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddeeyay dooraahada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraaโ€™id ku qabtay xarunta dhexe ee…

GudahaWararka
November 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023