Muqdisho (SONNA)-Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee Dawladda Mareykanka ayaa duqayn waxay ka geysteen deegaano ay ku dhuumanayeen Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab oo ku yaalla Magaaladda Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtey in duqeyntaasi lagu burburiyey dhismo Argagaxisada Alshabaab ay ku lahaayeen Magaaladda Jilib, islamarkaana hub farabadan loogu gubey, waxaana halkaasi lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan Argagixisada.
Howlgalkaasi ayaa Dawladda Soomaaliya waxay ay ku sheegtey in uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab iyo Saaxiibada Mareykanka.
Argagixisada Al-shabaab ayaa weerarkaasi khasaare xooggan lagu gaarsiiyey, Dawladda Soomaaliya ayaana dadaal uga jirta siddii gabi ahaanba dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada baxsadka ah ee ku dhuumaaleysaneyso goobo faro ku tiris ah oo dalka ka mid ah.