Muqdidho-(SONNA)-Waxaa Shalay gelinkii dambe tababar soconayay Saddex Bil loogu soo xiray Machadka Barashada xirfadaha iyo Luqadaha ee “Hano Academy” Lixdan Arday oo intooda badan ahaa muwaddiniin kasoo laabtay Dalalka Kenya iyo Yemen.
Ardaydan ayaa waxay baranayeen xirfado kala duwan sida, farshaxanka, samaynta Dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Aliindiga loo yaqaan, Dhismaha, Computer-ka, xog-haynnimada, maamulka mashaariicda, Cunto karinta iyo barashada Luqadaha si bilaash ah.
Maamulaha Machadka Hano Academy, Drs; Sacdiyo C/llaahi Siyaad, ayaa sheegtay in ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ka caawiyaan barashada xirfado ay noloshooda ku debberaan isla markaana shaqa abuur iyo dhiirri gelibna u noqota.
Drs; Sacdiyo ayaa sidoo kale sheegtay in uu hadafkoodu yahay sare u qaadidda hamiga da’yarta Soomaaliyeed, taas oo ay sheegtay in ay ka qeyb qaadan karto yaraynta shaqa la’aanta Dalka.
“Dhabtii Maxadku waxyaabaha uu Diiradda saaray waxaa ka mid ah, in Dhallinyarada Soomaaliyeed loo fidiyo tababarro xagga xirfadaha Gacanka ah, kaas oo wax badan kusoo kordhinayo horumarka Dalka, ayay tiri Drs; Sacdiyo.
Ardayda dhammaysatay tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin iyo abaal marinno kala duwan.
Sawir qaade Muuse Cusmaan Abtow