Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Qorshaha Arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya oo sanadakan 2020 lagu caawin doono 3 milyen oo qof +sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Qorshaha Arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya oo sanadakan 2020 lagu caawin doono 3 milyen oo qof +sawirro
Wararka

Qorshaha Arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya oo sanadakan 2020 lagu caawin doono 3 milyen oo qof +sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 22, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federalka Somaaliya, Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Bani’aadamnimada ayaa manta daah furahay qorshaha arimaha bani’aadamnimada ee Somaliya ee 2020.  Qorshahan ayaa ubahan 1.03 bilyan oo doolar, si loo caawiyo loona tageero noolal maalmeedka 3 milyan oo qof.

“Dowladda federalka ee Somaaliya ayaa waxaa si buuxda ugu go,an iney la shaqeeyso hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya dalka si loo hirgeliyo qorshaha ka jawaabita xaaladaha bina’aadamnimada,” sidaasi waxaa yir Xamza Siciid Xamza, wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. “Qorshaha gurmadka ayaa dhameystiraya dadaallada socda ee dowladda fedaraalka ee wax looga qabanaayo dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee dalka.

Dadka u baahan gargaarka waxaa kamid ah 1.7 milyan oo qof oo ka barakacay colaad, nabadgelyo xumo, guuritaan Khasab ah, abaaro iyo daadad. Sida laga soo xiganaayo qorsha HRP-ga, in kabadan kalabar tirada dadka soomaalida waxay ku nool yihiin faqri.

Waxaa kamid ah beeraley iyo xoola dhaqatada saboolka ah iyo cunta yare heysato kuwa barakacay. Heerka nafaqo xumida ee caruurta ayaa ah mid aad u sareeyo, iyadoo meelaha qaar ay ka jiraan heerar nafaqo xumo oo caalami ah in ka badan 20 boqolkiiba (kana sareeysa heerka deg degga ee WHO ee 15 boqolkiiba). Dadka naafada ah oo lagu qiyaaso boqolkiiba 15 dadweynaha ayaa halis ugu jira rabshado iyo xadgudub.

“Marka aan hirgalinayno qorshaha arimaha bani’aadamnimada, Qaramad Midoobe iyo iskaashatada kale ayaa ka shaqeyneyso sidii loo xaqiijin lahaa in gargaar deg deg ah iyo tageero horumarineed ay isbarbar socdaan kuwaas oo kabo qorshaha hormarinned e dowladda si loo gaaro soo kabasho mudo fog ku beegan” sidaasi waxaa yiri Adam Abdulmoula,Isu duwaha hawlaha Bani’aadamnimada ee Somaliya. “taasi ayaa aha in la kordhiyo howlaha samafalka iyo horumarka wada socda mudo dheer si wax looga qabto xaladaha bani’aadamnimadan ee ka jiro Soomaaliya”

Qorshaha arimaha bani’aadamnimada wuxuu diiradda saaryaa afar ujeedo oo asaasi ah: yareynta baahsanaanta nafaqa xumada ba’an iyo baahiyaha iyo caafimaadka, baahiya asaasiga ey wajahaan dad ku nool 74 degmo, xoojinta iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, islamarkan ilaalinta sharafta, sidoo kale kor u qaadidda  aqoonta dadka barakacayaasha.

Qorshahan ayaa ujeedkiisa yahay bixinta gargaar cunna ah bil kasta oo la siinaayo ilaa 2.1 milyan oo qof , in la taageero  helitaanka waxbarasho  oo loogu tala galay in kabadan 300,000 oo caruur ah, in gargaar caafimaad la siiyo 2.5 milyan qof, in biyo nadiifa la siiyo in kabadan 1.2 milyan oo qof iyo in la yareeyo khatarta la xiriirta isku dhacyada ooy ka mid yihiin kuwo ku saleysan jinsiga.

Sannadkan, wadarta guud ee baahida loo baahan yahay deeq-lacageedka Qqorshahan ayaa hoos u dhacday 11 boqolkiiba (ama US $ 120 milyan) taas oo horay u eheed $ 1.12 bilyan sanadka 2019 illaa $ 1.03 bilyan.

In kasta oo tirada dadka baahan ay kortay 19 boqolkiiba (ama 1 milyan oo qof) laga soo bilaabo 4.2 milyan 2109 ilaa 5.2 milyan  qof. Tirada guud ee la beegsaday ayaa hoos u dhacday 12 boqolkiiba (ama 400,000 oo qof), taas oo sanadkii hore gaareseysay ilaa 3.4 milyan kuna soo dhacday 3 milyan oo qof (58 boqolkiiba 5.2 milyan qof oo u baahan gargaarka bini’aadannimo).

(Sawirqaade Maxamed Feereysane)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Laasacaanood,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo…

GudahaWararka
January 17, 2026

Dawladda Federalka Soomaaliya oo cambaareeysay qaraxi maanta lagu dilay gudoomihi gobolka Mudug.

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS  mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlay magaca dowlada fadaraalka Soomaaliya ayaa…

Wararka
May 17, 2020

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay qalab loo adeegsado qaraxyada

Boosaaso.(SONNA)...Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada difaaca Puntland ee loo yaqaano PSF ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxay…

Wararka
May 14, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan xuska dhalashada Nebiga CSW

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada…

GudahaWararka
September 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023