Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka
    March 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor
    March 7, 2026
    Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka
    March 7, 2026
    Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada
    March 6, 2026
    Barnaamij lagu afurinaayo dadka barakacayaasha ah oo ka socda Muqdisho
    March 6, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tababare Cabdi Joon oo ka hadlay guushii ay ka gaareyn kooxda Raadsan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Tababare Cabdi Joon oo ka hadlay guushii ay ka gaareyn kooxda Raadsan
Ciyaaraha

Tababare Cabdi Joon oo ka hadlay guushii ay ka gaareyn kooxda Raadsan

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)- Kooxda kubadda cagta Horseed FC ayaa  guul muhiim ah ka gaartay naadiga Raadsan kaddib markii ay 4-2 ugu adkaadeen, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan ay u soo daawasho tageen taageerayaal tiro badan kuwaasoo kala taageersanaa labada kooxood ee Horseed iyo Raadsan.

Naadiga Horseed ayaa fasal ciyaareedkan horyaalka soconaya waxey ka dheeshay saddex kulan, labo kamid ah waxey gashay bar-bardhac halka kulanka kale ay badisay, taas oo ka dhigan iney leedhahay 5-dhibcood.

Horseed sanadkii la soo dhaafay waxaa si dirqi ah koobka horyaalka ugu qaaday kooxda Dekedda. waxaana looga qaaday 2-dhibcood oo qura.

Haddaba kaddib guushii ay shaley ka gaareyn kooxda Raadsan waxaa ka hadlay hogaamiyaha kooxda Horseed Cabdi Joon wuxuuna yiri:

“Allaah ayey mahad u sugnaatay oo inoo suurta galiyay inaan helno saddexdii dhibcood ee ugu horeysay horyaalka fasal ciyaareedkan, waa mid na farxad galineysa inaan bilaaw wanaagsan ku bilaawano fasal ciyaareedkan”.

“Dhamaan ciyaartooyda iyo maamulka kooxda waxey diraada saarayaan si ay ugu guuleysan lahaayen horyaalka oo mudo ugu dambeysay kooxdan, waad ogeydeen sanadkii la soo dhaafay labo dhibcood oo qura ayaa nagala qaaday horyaalka”.

“Horseed waa koox weyn sanadkii la soo dhaafay waxey gacanta ku dhigtay koobka General Daa’uud wuxuu inoo ahaa bilow wanaagsan oo ka turjumaya inaan awood u leeynahay ku guuleysiga horyaalka.

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Horseed ayaa kulankeeda 4-aad ee horyaalka waxey la dheeli doonta naadiga Gaadiidka, ciyaartaas ayaana dhici doonta 17-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Muqdisho- SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga…

March 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tababare Solskjær oo shaaca ka qaaday mudada uu Pogba ka sii maqnaan karo garoomada

Manchester(SONNA)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay xaalada ciyaaryahanka qadka dhexe reer France ee…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Xiddigaha isugu soo haray abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bisha October kooxda Man United oo la shaaciyay

Manchester(SONNA)-Manchester United ayaa ku dhawaaqday saddexda xiddig ee ku tartamaysa abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bisha October ee kooxda, kuwaasoo kala…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

In ka badan Saddex bilood oo aan laga badin… Taxane cajiibka ah uu Zidane ka sameeyay Real Madrid

Madrid(SONNA)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa halkeeda ka sii waday taxanaheeda guuldarro la’aanta ah iyadoo uu hoggaaminayo macalinka reer France…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Inter Milan oo dharbaaxa xoogan la damacsan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

Milano (SONNA). Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha Talyaaniga kooxda Inter Milan ayaa soo bandhigtay liis ka…

Ciyaaraha
October 10, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023