Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)
CiyaarahaGudaha

Horseed vs M.C.C… (Final-ka Tartanka General Daa’uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.

Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay ka aarsato wiilasha Muqdisho City Club oo sanadkii hore ka qaaday koobkan, halka Muqdisho City Club ay u dagaalami doonto inay difaacato koobkan, si sanadkii labaad oo xiriir ah  ay qaado.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-

Kooxda kubadda cagta Horseed kulankii ugu dambeyay ee wareegga afar dhammaadka waxay ka soo adkaatay naadiga Gaadiidka ciyaar ku soo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday wiilasha Horseed.

Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay rigoorayaal 4-1 ugu soo tallaabtay kooxda Geeska Afrika.

Labadan kooxood ee Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay  isku arkan kama dambeysta dheesha koobka General Daa’uud xilli markaas loo awood sheegtay wiilasha Macallin Cabdi Joon ee Horseed kaddib markii lagu lagday rigooreyaal 4-3, ciyaarta waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhammaatay 1-1.

Ciyaaryahan Farxaan Duqow ayaa wali xusuusan kaarkii casaanka uu qaatay sanadkii la soo dhaafay final-ka koobka General Daa’uud, isagoo iminka diyaar u ah inuu si awood leh u wajaho kooxda Muqdisho City Club.

Horseed iyo Muqdisho City Club sanadkan waxay kuwada jireen Guruup-ka B, iyaagoo isku soo arkay marxaladda Guruup-yada, waxayna kulankooda ku kala baxeen barbaro goolal la’aan 0-0.

Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan ciyaareedkan waxay weyn doontaa xiddigeeda weerarka ugu ciyaaro ee Bernado, kaasoo ku seegaya dheeshan kaararka digniinta (Jaalleyaal).

Tababare Cabdi Joon ayaa markii saddexaad oo xiriir ah gaaray finaal-ka koobka xiisaha badan ee General Daa’uud isagoo mar kula guuleystay Kooxda Elman, halka marna isagoo hoggaaminya Naadiga Horseed laga qaaday, galabtana waxaa markale uu diyaar u yahay inuu dheelo final-ka General Daa’uud isagoo hoggaaminaya Horseed.

Macallin hoggaamiya kooxda Muqdisho City Club Mahamed Masteri ayaa galabta dheeli doona final-kiisii ugu horreyay tan iyo markii uu badalay macalinkii hore kooxda M.C.C ee Hussein Mblango, isagoo raba inuu koobkan General Daa’uud la qaado kooxdan.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Final-ka Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC vs Muqdisho City Club

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 galabnimo

Maalinta: Khamiis

Taariikhda: 21-11-19

Qiimaha Kulanka: Lacag la’aan

Jawiga Garoonka: 30°c

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda oo mideyneysa aadaanka iyo qudbadaha

Muqdisho-(SONNA)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS Mudane, Ibraahim Aadan Ibraahin (Nadaara) ayaa sheegay in ay ku…

GudahaWararka
October 1, 2025

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta…

GudahaWararka
November 21, 2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

MASAR(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira…

GudahaWararka
July 7, 2025

Diyaarad siday gargaar oo ka dagtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool

Xudur (SONNA)- Diyaarad siday gargaar kala duwan ayaa Maanta ka degtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool , diyaaradan ayaa…

GudahaWararka
January 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023