Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari
    August 23, 2025
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho
    August 23, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari
    August 23, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey Miinoyin khawaarijtu rabeen in ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka Janaale
    August 23, 2025
    Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari
    August 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Kooxda Man City oo dalab qaali ah ka gudbinaysa Bruno Fernandes si ay saxiixiisa ugu garaacdo Man United
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Kooxda Man City oo dalab qaali ah ka gudbinaysa Bruno Fernandes si ay saxiixiisa ugu garaacdo Man United
Ciyaaraha

Kooxda Man City oo dalab qaali ah ka gudbinaysa Bruno Fernandes si ay saxiixiisa ugu garaacdo Man United

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
2 Min Read
Share

Manchester(SONNA)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa doonaysa inay kaga adkaato naadiga ay coltamaan ee Manchester United saxiixa Bruno Fernandes, iyadoo war maanta soo baxay uu sheegayo inay laacibkan Sky Blue ka gudbinayso dalab qaali ah oo ku kacaya 100 milyan oo euro.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay wajahayso tartan adag oo kaga imaanaya kooxda Manchester City taasoo sidoo kale doonaysa saxiixa Bruno Fernandes, iyadoo kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ay sidoo kale xiiseynayso saxiixa laacibka khadka dhexe ee reer Portugal.

Red Devils kooxda lagu naynaaso ayaa muddo raadinaysay 25-sano jirkaan, iyadoo marka hore ka fiirsanaysay inay u dhaqaaqdo xagaagii la soo dhaafay, laakiin heshiis ay uga soo qaadanaysay Sporting ayaa noqday mid aan dhaqan galin.

Xiisahooda ayaa markale dib u soo laabtay bishaan, laakiin waxa ay markale ku dhibtoonayaan inay heshiis la gaaraan kooxda Lisbon, kuwasoo xiddigooda ku qiimeystay dhawaad 68 milyan oo gini.

Man United ayaa haatan laga soo diiday dalab lagu qiyaasayo 50 milyan oo gini, laakiin waxa ay Sporting dhiiri-gelin kale ka haleysaa Manchester City oo xiiseynaysa xiddigooda, waxaana ay ku farxi karaan in Sky Blue ay diyaar la tahay lacagaha ay dalbanayaan.

Majaladda Waddanka Portugal ka soo baxda eeย Correio de Manhaย ayaa warinaysa in Man City ay diyaar u tahay inay Fernandes ka gudbiso dalab ku kacaya adduun dhan 100 milyan oo euro oo u dhiganta 86 milyan oo gini, inkastoo ay isku dayi doonaan inay sidaas sameeyaan dhammaadka xilli ciyaareedka.

Sporting ayaa ku farxi lahayd inay ceshato xiddigan khadka dhexe illaa dhammaadka xilli ciyaareedka, kaddibna ay ku hesho lacag aad uga badan tan Man United ay diyaarka la tahay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA):-Ra"iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka…

August 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RASMI: Anwar Sayid Cali (Shakunda) oo heshiiska u kordhiyey Kooxda Elmanโ€ฆ + SAWIRRO.

Muqdisho(SONNA)-Ciyaaryahanka lagu magacaabo Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa kooxdiisa Elman u saxiixay heshiis cusub oo ku sii joogi doono Kooxdiisa…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Cumar Axmed Maxamed oo loo magacaabay Macalinka xulka 18 jirada ee Qarankeena

Cumar Axmed Maxamed oo ku magac dheer macalinย  "Jabshe" ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Soomaaliya ee dhallinyarada 18 jirada, kaddib…

Ciyaaraha
October 5, 2023

Dharkeenleey oo caawa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA)- ย Degmada Dharkeenleey ayaa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Eng. Yariisow…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

November/21/2019 Time 09:15 DEG DEG: Kooxda Horseed oo markeedii lixaad ku guuleysatay Koobka General Daaโ€™uud

Muqdisho(SONNA)- Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa ku guuleysatay galabta koobka xiisaha badan ee General Daaโ€™uud kaddib markii ay 3-2 ugu…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023