Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Tababarka warbaahinta Nabadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
    April 8, 2026
    Wasiirka amniga oo qaabilay danjiraha Switzerland
    April 8, 2026
    Soomaaliya oo safiir aan dagenayn ku yeelanaysa Belarus
    April 8, 2026
    Wafdi ka socda Soomaaliya oo Nairobi uga qaybgalaya madasha magaalooyinka Afrika
    April 8, 2026
    Wasiir Maareeye oo qaabilay madaxa xafiiska FAO ee Soomaaliya
    April 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)
Ciyaaraha

Horudhac: Barcelona vs Granada… (Macallin Quique Setien oo kulankiisii ugu horreeyey caawa hoggaamin doona Blaugrana)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Barcelona(SONNA) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxa ay caawa ku soo dhoweynaysaa naadiga Granada garoonkeeda Camp Nou.

Macallinka cusub ee Barca, Quique Setien ayaa indhuhu hayaan caawa kaasoo kulankiisii ugu horreeyey hoggamin doonta Blaugrana.

61-sano jirkaan ayaa la xaqiijiyey inuu dhawaan shaqada ka badelay Tababare Ernesto Valverde, waxaana uu doonayaa inuu ku bilowdo guul uu ka gaaro kooxda fadhisa kaalinta 10-aad ee horyaalka La Liga kaddib 19 kulan oo xilli ciyaareedkan la ciyaaray.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad, 19 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Valentin Pizarro Gomez (Spain)

Garoonka: Camp Nou

Wararka Kooxaha:-

Frenkie de Jong ayaa ka ganaaxan kooxda martida loo yahay ee Barcelona, kaddib markii uu kaarka cas qaatay, sidaasi darteed Sergi Roberto ayaa laga yaabaa inuu ka soo muuqdo khadka dhexe.

Luis Suarez ayaa garoomada ka maqan kaddib markii dhawaan qalliin lagu sameeyey, waxaana la filayaa inuu sii maqnaan doono illaa bisha May.

Ansu Fati ayaa ku soo bilaaban kara safka hore ee Barca, halka sidoo kale uu weerarka kooxda ku ciyaarta Camp Nou uu hoggaamin doono Griezmann.

Dhinaca kale Kooxda Granada ciyaaryahankeeda Maxime Gonalons ayaa diyaar ah kaddib markii uu ganaax ka soo laabtay, waxaana uu ka qoo muuqan karaa khadka dhexe.

Granada ayaa ku soo gali karta midkood shan difaac ama  4-4-2, iyadoo Jose Martinez uu imaan doono daafaca dhexe haddii loo baahdo.

Yangel Herrera ayaa dhaawacan oo shaki uu ku jiraa kulankan, laakiin haddiiba uu diyaar noqdo waa inuu ku bilowdaa safka hore maadaama aan la heli karin Angel Montoro kaasoo kaarka cas ku maqan.

Yan Brice Eteki oo isaguna ka tirsan Granada ayaa ka cabanaya dhibaato dhanka muruqa ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guul gaartay 15 ka mid ah 16-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleystay lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula dheeshay Granada tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashaday shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabishay Granada tartammada oo dhan.

>- Granada ayaa guuldarro la kulantay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Granada ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga oo ay ku soo ciyaartay bannaanka.

>- Kooxda Granada ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Tababarka warbaahinta Nabadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenka…

April 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Heegan oo guul ka gaartay Kooxda Jazeero kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

 Muqdisho(SONNA)-Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa galabta guul ka gaartay naadiga Jazeero Sports Club, Kadib markii ay kaga adkaatay 2-1,…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Taageerayaasha Argentina oo war farxad leh ka helay xaaladda Lionel Messi… (Goormee dib u soo laaban doonaa Kabtankooda kaddib ganaaxii lagu riday?)

Buenos Aires(SONNA)-Lionel Messi ayaa dib ugu soo laaban doona xulkiisa qaranka Argentina kaddib ganaaxii saddexda bilood ahaa ee lagu riday.…

CaalamkaCiyaaraha
October 26, 2019

Xulka degmada Cabudwaaq oo ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug

Cadaado (SONNA): Xulka degmada Cabudwaaq ayaa ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug, kaas oo soo socday tan iyo 5-tii bishan una…

CiyaarahaGudahaWaxbarashada
June 19, 2023

Kooxda Paris Saint-Germain oo saxiixa Kalidou Koulibaly ku garaacaysa Manchester United

Paris(SONNA)-Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay kaga guuleysato kooxda Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa daafaca…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023