Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland C/wali Mire Xirsi oo ay la socdaan Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo xildhibaano ayaa Booqay degmada Eyl iyo deegaano kale oo ay ay saameeyeen roobab dabaylo watay oo dhowaan ka da’ay halkaasi.
C/wali Mire Xirsi wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha,Federaalka iyo
dimuqradiyadaynta Puntland ayaa Hoosta ka xariiqay in Maamulku uu san
Moogayn dhibaatada soo gaartay Bulshada eyl Balse ay jireen Deegaano
ka darani isagoona intaasi sii raaciyay inay samayn Doonaan qiimayn
jawaab wadatada
Wasiir Ku xigeenka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Murwo Sahra
kin iyo Xildhibaan C/risaaq oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo la
hadlayay Bulshada reer Eyl waxay isla raaceen in dowladu dadaal Gaar
ah u gali doonto wax u qabashada dadka saamayntu soo Gaartay.
Qaar ka mid ah bulshada Reer Eyl oo isugu jirtay Xoolo dhaqato,Beeralay iyo
Kallumaysato oo hadlay so dhoweynta ka dib. waxay cadeeyeen in samayn muqata oo nolosha miyi iyo magaalaba laga dareemay roobabkii da’ay dhowaan,isla markaana uu go’ay isu socodka degmada iyo Gobalda kale.